Connect with us

somalilandtoday.com

Dowladda Soomaaliya Oo Xidhiidhkii Diblomaasiyadeed U Jartay Kenya

focus

Dowladda Soomaaliya Oo Xidhiidhkii Diblomaasiyadeed U Jartay Kenya

Dowladda Soomaaliya Oo Xidhiidhkii Diblomaasiyadeed U Jartay Kenya

(SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqday inay xidhiidhkii diblomaasiyadeed u jartay dowladda Kenya, iyadoo ku amartay diblomaasiyiinta Kenyanka ah ee ku sugan Muqdisho inay muddo 7 maalmood gudahood kaga baxaan Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cusmaan Dubbe oo ka hadlayay warbaahinta dowladda ayaa ku dhawaaqay go’aanka dowladda Soomaaliya xidhiidhka ugu jartay Kenya.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shaqaalaha iyo diblomaasiyiinta Soomaaliya ee ku sugan Kenya ay la baxeyso.

Waxaa uu sheegay in sababta go’aanka ay u qaateen ay tahay, si looga jawaabo xadgudubyada siyaasadeed iyo faragelinta qaawan ee ay Kenya ku heyso madax bannaanida Soomaaliya.

Tallaabada ay qaaday dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dambeysay, kaddib markii shalay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenya uu xarunta Madaxtooyada Kenya ku qaabilay Madaxweynaha qaranka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

More in focus

To Top