Connect with us

somalilandtoday.com

Soomaaliya Oo Dacwad Ka Dhan Ah KENYA U Gudbisay IGAD

focus

Soomaaliya Oo Dacwad Ka Dhan Ah KENYA U Gudbisay IGAD

Soomaaliya Oo Dacwad Ka Dhan Ah KENYA U Gudbisay IGAD

(SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa u gudbisay Urur Goboleedka IGAD dacwad rasmi ah oo ay kaga ashtakoonayso xadgudubyo ay dowladda Kenya ku heyso Arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo Madaxbanaanideeda.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda ayaa waxaa lagu sheegay inay dowladda ay dadaallo badan ku bixisay sidii ay u wanaajin lahayd xidhiidhka ka dhaxeeya Kenya, hayeeshee Kenya dhankooda ayna arrintaas saameyn.

Dacwada ay dowladda Soomaaliya ka gudbisay Kenya ayaa waxaa Madaxda Urur Goboleedka IGAD 20-ka bishaan December ka yeelan doonaan kulan Deg-deg ah, kaasi oo ka dhici doona Magaalada Jabuuti.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ma faahfaahin waxay ku saabsan tahay Dacwadda ay Soomaaliya kusoo oogtay dowladda Kenya, waxaana Dacwadaan la gudbiyey ay kusoo aadeysaa, iyada uu sii xumaanayo xidhiidhka labada dal u dhexeeya.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda DFS.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay dadaallo badan ku bixisay sidii aan u wanaajin lahayd xidhiidhka ka dhaxeeya Dowladda Kenya.

Urur Goboleedka IGAD oo ka soo jawaabay dacwadda Dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay ayaa kulan degdeg ah 20ka Disembar ku yeelan doona magaalada Djbiouti, kaas oo ajendayaasha looga hadlayo ay ka mid tahay faragelinta Kenya ee arrimaha Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya waxaa mar walba soo dhaweynaysaa dadaalka Urur Gobolleedka IGAD iyo talaabo walba oo lagu xaqiiniyo in la dhowro mabaadi’da daris wanaagga, nabad kuwada noolaanshaha iyo madaxbanaanida dalalka gobolka.

More in focus

To Top