Connect with us

somalilandtoday.com

Puntland Oo Dib U La Wareegay Degaano Ku Yaalla Sanaag Oo Ay Al-Shabaab Maalmo Kooban Haystay

focus

Puntland Oo Dib U La Wareegay Degaano Ku Yaalla Sanaag Oo Ay Al-Shabaab Maalmo Kooban Haystay

Puntland Oo Dib U La Wareegay Degaano Ku Yaalla Sanaag Oo Ay Al-Shabaab Maalmo Kooban Haystay

Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta ciidamada maamulka Puntland ay howl-gallo ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi oo ay dib ugala wareegeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Howl-galkan oo ay fuliyeen ciidamada badda Puntland kuwooda la dagaalanka argagixisada ayaa ka dhacay buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag.

Puntland ayaa sheegatay inay dib ula wareegtay deegaanada Xidid iyo Milxo oo hoos yimaada degmada Laasqoray, halkaas oo ay maalmahaan dambe dhaq-dhaqaaqyo ka wadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo ku xoogan buuraleyda gobolkaasi.

Sidoo kale warka ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada ay ku raadjoogaan saddex qof oo la sheegay inay Al-Shabaab afduubteen halkaasi, kuwaas oo ahaa macdan qodayaal ku sugnaa xilligaas deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag.

Xaaladda gobolka ayaa haatan aad u kacsan, iyada oo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo halkaasi.

More in focus

To Top