Connect with us

somalilandtoday.com

Weriyaha Lagu Daldalay IRAN

focus

Weriyaha Lagu Daldalay IRAN

Weriyaha Lagu Daldalay IRAN

Dowladda Iiraan ayaa waxa ay daldashay weriye lagu eedeeyay in barnaamij dadku ay farriimaha isugu diraan uu u isticmaalay in mucaaradad uu ku kiciyo.

Ruuxullah Zaam ayaa la daldalay Sabtidii kaddib markii Maxkamadda ugu sarraysa ee dalka ay meelmarisay xukun dil ah oo ninkaas lagu xukumay, waxaa sidaas ku warramay taleefishinka dowladda.

Ma cadda sida lagu xidhay Zaam oo musaafuris ugu noolaa waddanka Faransiiska. Waxaa lagu soo warramay in la qabtay kaddib mar uu sannadkii la soo dhaafay u safray waddanka Ciraaq.

Waxa uu maamulayay barta internetka ee Amadnews, halkaas oo ah bar caan ah oo wararka ka doontaan dadka ka soo horjeeda dowladda.

Dowladda Iiraan ayaa waxa ay Amadnews ku eedaysay inay kicinaysay dibadbaxyadii dalka oo dhan ka dhacayay 2017-18.

Shabakaddaas oo ay raacaan in ka badan hal milyan oo qof oo ku xidhan bartooda barnaamijka Telegram, ayaa waxa ay dadka la wadaagaysay muuqaallada dibadbaxyada iyo xog waxyeelo gaysan karta oo ku saabsan saraakiisha Iiraan.

Waxaa bartaas xidhay dowladda Iiraan, hasayeeshee markii dambe ayaa dib loogu furay magac kale.

Zam oo ah wiil uu dhalay wadaadka isbadal doonka ah ee Maxamed Cali Zam, ayaa horaantii sannadkan waxaa lagu helay “musuqmaasuq baahsan” kaasi oo ah mid ka mid ah dambiyada ugu culus ee dalka soo mara.

Si kastaba xaalku ha ahaadee, hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa sheegtay inuu dhibbane u ahaa “maxkamad aan caddaalad ahayn oo ku tiirsaneyd marag kac khasab ku yimid”.

Horraantii toddobaadkan, wasaaradda arrimaha dibedda ee Faransiiska ayaa go’aanka ay Iran ku taageertay xukunka dilka Zam ku tilmaamtay inuu ahaa “weerar halis ah oo lagu qaaday xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda ee Iran”, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.

Waxaa magangalyo siyaasadeed laga siiyay Faransiiska, isagoo ku xirnaa Iran kaddib doorashadii madaxtinimada ee lagu murmay ee Iiraan ee 2009.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) waxay hore u sheegeen inay adeegsadeen “hab sirdoon oo casri ah iyo xeelado horumarsan”, taas oo u suurtagalisay inay “khiyaanaan” adeegyada shisheeye ayna gacanta u dhigaan Zam.

Ciidammada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ayaa waxa ay Zam ku eedeeyeen inuu ku shaqeynayay “hagista” iyo ilaalada sirdoonnada Faransiiska, Israa’iil iyo Mareykanka.

Sida lagu sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press, waxa uu markii dambe ka soo muuqday taleefishinka oo waxa uu raalligelin ka bixiiyay ficilladiisa.

More in focus

To Top