Connect with us

somalilandtoday.com

Dowladda Marooko Oo Noqotay Wadankii 4aad Ee Carab Ah Oo Xidhiidh Toos Ah La Yeesha Israa’iil.

focus

Dowladda Marooko Oo Noqotay Wadankii 4aad Ee Carab Ah Oo Xidhiidh Toos Ah La Yeesha Israa’iil.

Dowladda Marooko Oo Noqotay Wadankii 4aad Ee Carab Ah Oo Xidhiidh Toos Ah La Yeesha Israa’iil.

(SLT-Rabat)-Dowlada Marooko ayaa noqotay wadankii 4aad ee Carab ah oo xidhiidh toos ah la yeesha Israa’iil, heshiiskan oo la sheegay in Maraykanka kasoo shaqeeyey.

Marooko ayaa go’aankan ku bedalatay in Maraykanka u aqoonsado dhulka ay sheegato ee Galbeedka Saxaraha (Western Sahara), dhulkaasi oo ay dadka ku nool doonayaan inay noqdaan wadan gaar ah, waxaana dhulkaasi ka dagaalama jabhada gooni u goosad ah oo taageero ka hesha waddanka Marooko ay jaarka yihiin ee Aljeeriya.

Xukuumada Wakhtigeeda dhammaanayo ee Donald Trump ayaa heshiiskan ku sheegtay guul kale oo taariikhi ah oo ay heshiis ku dhex dhigeen dal carab ah iyo Israa’iil, waxaana horey heshiisyo noocaan ah Israa’iil ulla galay dalalka Imaaraadka, Baxreyn iyo Sudan.

Dhammaan dalalkaasi Carabta ah ayaa heshiisyadan ku bedashay arrimo muhiim u ah oo ay ka doonayeen waddanka Maraykanka, marka laga reebo dalka Baxreyn.

Imaaraadkaa ayaa heshiiska uu la galay Israa’iil ku bedashay heshiiska in Maraykanka uu ka iibiyo hubka casriga ah oo ay ugu horeyaan diyaaradaha dagaalka ee ugu danbeeyey ee F-35 oo todobaadkan Kongareeska Maraykanka ansixiyey.

Sudaan ayaa sidoo kale heshiis ay la gasho Israa’iil ku bedalatay in Maraykanka ka qaado xayiraada kana saaro diiwaanka wadamada taageera argagaxisada, si dalkaasi markale u helo fursado maalgashi iyo dayn uu ka qaato Bangiga Adduunka. Sudan ayaa xiligan ku jirta dhaqaale burbur iyo sicir-barar xadhgaha goostay.

Wadammada Jaamacada Carabta ayaa hore ugu heshiiyey inaan wax heshiis ah lala gelin Israa’iil illaa dadka reer Falastiin ay xaquuqdooda helayaan, hase yeeshee xukuumada Maraykanka ee Donald Trump ayaa dadaal weyn ugu jirtay in ay wadamada Carabta ku cadaadiso heshiis ay la galaan maamulka Yahuuda.

More in focus

To Top