(SLT-Tehran)-Qaar kamid ah shaqsiyaadkii ku lugta lahaa dilkii Saynisyahankii ugu sarreeyay Iran ee Nukliyeerka ayaa la xidhay.
Xussein Amir Cabdollahian, ayaa TV-ga Al-Alam u sheegay in aanu awoodin inuu faahfaahin dheerad ah ka bixiyo arrintan, sababo ammni awgeed, balse waxaa uu sheegya in kuwa dilka geystay ayna ka baxsan doonin caddaaladda.
Wuxuu kaloo sheegay inay jiraan caddeymo muujinaya in Israa’iil ay ku lug lahayd dilka saynisyahankan hase yeshe Israa’iil ilaa iyo hadda arrintan kama aysan hadlin
Saynisyahankan, Mohsen Fakhrizadeh, waxaa lagu dilay meel u dhow Tehran 27-kii Noofambar.
Mas’uuliyiinta Iiraan waxay soo bandhigeen warar is khilaafsan oo ku saabsan sida loo toogtay isaga oo safar ku marayay magaalada Absard.
Maalintii uu weerarka dhacay, wasaaradda difaaca waxay sheegtay in is rasaaseyn ay dhex martay ilaalada Fakhrizadeh iyo dhowr dabley ah.
Warbixinta Iiran ayaa sidoo kale soo xigatay dad goob joogayaal ah oo sheegaya in “seddex ilaa afar” qof oo weerarkaasi soo qaaday la dilay.
Balse axadii mid kamid sarakiisha ugu sareeya ilaalada kacaanka Iiraan ayaa sheegay in qori dhanka dayax gacmeedka laga hago oo sida darandooiga u dhaca lagu dilay Fakhrizadeh.
Mohsen Fakhrizadeh, waa seynisyahanka ugu caansana ee barnaamijka Niyukleerka Iiraan, islamarkana waxaa uu ka mid ahaa shaqsiyaadki ugu sareeyay ee ilaalada kacaanka Iiraan.
Waxaa muddo dheeer aad u hadal hayay hay’adaha sirdoonka reer galbeedka oo ku tilmaamay in uu udub dhaxaad u yahay barnaamijka Niyukleerka Iiraan.
Sarakiisha ugu sarreeya ilaalada kacaanka Iiraan ayaa sheegay in qori dhanka dayax gacmeedka laga hago oo sida darandooiga u dhaca lagu dilay Fakhrizadeh.
Sida ku cad dikumiinti sir ah oo ay heshay Israa’iil 2018-kii, waxaa uu Fakhrizadeh hogaaminayay barnaamij lagu dhisayay hub Niyukleer ah.
Sidoo kale mar ayaa, rai’sul wasaarah Israa’iil Benjamin Netanyahu waxaa uu ku tilmaamay Fakhrizedeh in uu yahay Seynisyahanka hogaamiya barnaamijka, waxa uuna xilligaas Netanyahu ugu baaqay dadka ay “magaciisa xusuusnaadaan”.
Sanaddii 2015, wargeyska New York Times ayaa la barbar dhigay J Robert Oppenheimer, oo ahaa seynisyahankii hagayay soo saaridda hubkii Atoomikada ee ugu horeeyay ee Mareykanka dagaalkii labaad ee aduunka.
Fakhrizadeh ayaa la sheegay in uu ahaa ninkii horkacayay mashruuca Amad, oo la sheegay in uu ahaa barnaamij qarsoodi ah oo la asaasay sanaddii 1989 islamarkana ahaa cilmi-baarid ku saabsanayd suurtagalnimada dhisidda Bam Niyukleer ah.
Xaruntaasi ayaa la xiray 2003-dii, sida ay sheegtay hay’adda quwadda atoomikada addunka ee IAEA,.
Balse Mr Netanyahu ayaa sheegya in dikumiintiga ay heleen 2018-kii uu muujinayo in Fakhrizadeh uu wali hogaaminayo barnaamijkasi lagu magacaabo Amad ee lagu farsameynayo Niyukleerka.