Connect with us

somalilandtoday.com

Abiy Axmed Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Tegay Dalka Kenya

focus

Abiy Axmed Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Tegay Dalka Kenya

Abiy Axmed Oo Booqasho Rasmi Ah Ku Tegay Dalka Kenya

(SLT-Mooyaale)-Raysal Wasaaraha dowladda Federaalka Itoobiya Abiy Axmed iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa gaadhay Magaalada Moyale ee ku taalla xuduudka u dhexeeya labada dal, iyadoo halkaas si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo xubno la socday kusoo dhaweeyay Magaalada Moyale, iyagoona kulan gaar ah ku qaatay Hotel ku yaalla Magaaladaas.

Labada hoggaamiye ayaa ka wada hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xaaladda Gobolka iyo xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dal, waxaana weli socda kulanka labada hoggaamiye, iyagoona maanta tegaya Gobolka xeebta ee Lamu.

Raysal Wasaare Abiy iyo Madaxweyne Kenyatta ayaa kormeer ku tegaya dhismaha dekedda cusub ee Gobolka Lamu, sida uu qorshahu yahay Booqashada Raysal Wasaaraha Itoobiya ayaa qaadan doonta laba maalmood.

More in focus

To Top