Connect with us

somalilandtoday.com

2 Qof Oo Lagu Tijaabiyay Tallaalka COVID 19 Oo Ku Dhintay Maraykanka

focus

2 Qof Oo Lagu Tijaabiyay Tallaalka COVID 19 Oo Ku Dhintay Maraykanka

2 Qof Oo Lagu Tijaabiyay Tallaalka COVID 19 Oo Ku Dhintay Maraykanka

Waaxda cuntada iyo dawada ee dawladda Maraykanka ayaa xaqiijisay dhimashada 2 qof oo ku jiray dadkii lagu tijaabinayey tallaaka Coronavirus ka ee ay soo saareen shirkadaha Faysar ee Maraykanka iyo BioNTech oo Jarmal ahi.

Labada qof ee dhintay midkood ayaa dhimashada ka hor lagu arkay buurni ku soo korodhay iyo halbawlayaasha dhiigga qaada oo tawafay, saddex cisho kaddib tallaalka koowaadna waa uu geeriyooday. Qofka labaadna waxa uu u dhintay wadne istaag ku yimi 60 maalmood kaddib markii uu qaatay tallaalkii labaad.

Sida oo kale waxaa geeriyooday 4 qof oo ka mid ahaa dadka tijaabadan la marinayey, laakiin iyaga lagu muday dawo maloawaal ah oo qayb ka ahayd tijaabada.

Wakaaladda dawada iyo cuntada ee Maraykanka ayaa hore u caddaysay in tallaalkani uu waxtar leeyahay, isla markaana baadhisaha lagu sameeyey muujinayaan in uu aamin yahay.

More in focus

To Top