Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Maalinta Barri Ah Booqanaya Dalka Kenya

News

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Maalinta Barri Ah Booqanaya Dalka Kenya

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Maalinta Barri Ah Booqanaya Dalka Kenya

(SLT-Nairobi)-Dawladda Kenya ayaa shaacisay in raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu maalinta Arbacada ee toddobaadkan booqahso laba maalmood ah ku tegi doono dalka Kenya.

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maalinta Arbacada ah ku kulmi doona magaalada Mooyaale ee Gobolka Marsabit, waxayna labada hoggamiye si wadajir ah u furi doono bar kontorol oo ku taalla xuduudda labada waddan.

Isla maalintaas waxay labada hoggaamiye booqan doonaan gobolka Lamu iyagoo kormeeri doona dhismaha dekedda cusub ee Lamu, dekaddaas oo isku xidhi doonta adeegga Kenya, Suudaanta Koonfureed iyo Itoobiya.

More in News

To Top