Connect with us

somalilandtoday.com

Hooyo Muddo 28 Sanno Ah Guri Ku Qarineysay Wiil Ay Dhashay

focus

Hooyo Muddo 28 Sanno Ah Guri Ku Qarineysay Wiil Ay Dhashay

Hooyo Muddo 28 Sanno Ah Guri Ku Qarineysay Wiil Ay Dhashay

(SLT-Stochkolm)-Hooyadan oo 70 jir ah ayaa muddo dhan 28 sanno waxay guri ku yaalla dulleedka Magaalada Stochkolm ee dalka Sweden ku qarineysay wiil ay dhashay.

Hooyadan ayaa wiilka oo 13 jir ah silsilado ku xidhay, iyadoona ku xabistay guriga. Tani waxay ka dambeysay markii ay uur ku taallo ku reebtay wiil hore oo dhashay, kana geeriyooday.

Hooyadu waxay is-tidhi si aad u badbaadiso wiilkan, isla-markaana aanu kaaga foggaan jaceyl ay u qabto dartiis ayay sidaan u sameysay. Muddo 28 sano ah ayuu wiilku guriga ku xabisnaa, kaasoo hadda ah 41 jir.

Sida lagu ogaaday dhibaatadii uu wiilku ku sugnaa

Hooyadii ayaa xanuunsatay oo la dhigay cisbitaal, waxaana ku booqday dad ay ehel yihiin. Eheladii ayaa markii dambe booqday oo tagay gurigii ay deganeyd, waxayna guriga ku soo arkayn qashin iyo nadaafad-darro, iyagoona wax yar ka dib maqlay cod aad u hooseeya, oo wiilkii xabisnaa ah.

Ehelada ayaa wiilkii dultagay isagoo daruufo adag ku sugan, isla-markaana ay ilkaha ka jajaban yihiin. Tani oo dareen argagax leh ku beertay ayaa waxay ku wargeliyeen booliska. Boolisku waxay halkaasi ka soo qaadeen wiilkii, oo hadda xaaladiisa lagula tacaalayo cisbitaal. Xadhigaasi ayaa laga cabsi qabaa in dhibaato maskaxeed uu kaga tagay.

Booliska dalka Sweden ayaa gacanta ku haya baadhitaanka dhacdadaasi. Marka uu baadhitaanka soo dhammaado hooyadaasi ayaa la fillayaa in maxkamad la horgeeyo, waxaana suurtagal ah in xabsi ay mudato, inkastoo ay da’ tahay.

Warbaahinta caalamka ayaa hadalhaysa dhacdadan argagaxa badan.

More in focus

To Top