Connect with us

somalilandtoday.com

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dagaalka Gobolka Tigray Ee Dalka Itoobiya, Duqeymo, Bililiqo Iyo Dagaallo Weli Ka Socd

focus

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dagaalka Gobolka Tigray Ee Dalka Itoobiya, Duqeymo, Bililiqo Iyo Dagaallo Weli Ka Socd

Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dagaalka Gobolka Tigray Ee Dalka Itoobiya, Duqeymo, Bililiqo Iyo Dagaallo Weli Ka Socd

(SLT-Mekelle)-Duqeymo, bililiqo iyo dagaallo ayaa weli ka socda qeybo ka mid ah gobolka Tigray, sida ay ku warrameen ururka TPLF, kadib markii ciidammada dowladda Ethiopia ay sheegeen inay maalmo gudahood kusoo qaban doonaan hoggaamiyayaasha kooxdan.

Dowladda Abiy ayaa sheegtay in dagaalka uu sii qababoobayo toddobaad kadib markii ay qabsatay magaalada Mekelle ee caasimadda gobolka ah.

Hase yeeshee hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael ayaa farriin qoraal ugu sheegay wakaaladda wararka Reuters inay weli ka dagaalamayaan banaanka magaalada.

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda ay Jimcihii duqeeyeen magaalada Abbi Adi, isaga oo aan bixin faah-faahin, halka afhayeenka TPLF Getachew Reda uu ku eedeeyey ciidamada dowladda inay bililiqeysteen Mekelle.

Ciidamada dowladda kama jawaabin eedeymaha ka yimid TPLF.

Colonel Shambel Beyene oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa Jimcihii sheegay inay 10 km u jiraan keymaha Gore, halkaasi oo Debretsion, Getachew iyo madaxda kale ee TPLF la rumeysan yahay inay ku dhuumanayaan.

“Waxaan u baahannahay kaliya dhowr maalmood si aan ugu tagno,” ayuu u sheegay taleefishinka dowladda.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadka degan gobolka ayaa ka welwelsan in gobolka ay ka dhacaan, cunno, shidaal iyo dawo yari. Sidoo kale qaarkodo ayaa sheegaya in meelaha qaar ay ka dhaceen bililiqo.

Dowladda Abiy ayaa ballan-qaaday inay ilaalin doonto shacabka gobolka, islamarkaana xaqiijin doonto in wax laga qabto baahidooda.

“Shaqada dib u dhiska Tigray waa ay billaabatay, ayada oo kooxaha ay ka howlgalayaan shaqooyinka dayac-tirka iyo dib usoo celinta adeegyada,” ayuu Abiy ku yidhi qoraal uu soo dhigay twitter.

Continue Reading

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top