Connect with us

somalilandtoday.com

Farmaajo Iyo Amiirka Qatar Oo Taleefanka Ku Wada Hadlay, Maxay Ka Wada-Hadleen??

focus

Farmaajo Iyo Amiirka Qatar Oo Taleefanka Ku Wada Hadlay, Maxay Ka Wada-Hadleen??

Farmaajo Iyo Amiirka Qatar Oo Taleefanka Ku Wada Hadlay, Maxay Ka Wada-Hadleen??

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiin Bin Xamad Al-Thaani ayaa khadka taleefanka ku wada hadlay, iyaga oo ka wada hadlay Arrimo dhowr ah oo khuseeya xidhiidhka labada dal.

Sida ay qortay Wakaalada Wararka Qatar ee QNA, Amiirka Qatar ayaa xalay fiidkii taleefanka kula soo xidhiidhay Madaxweyne Farmaajo.

Intii ay socdeen wada hadalada khadka taleefanka ayaa waxay dib u eegeen xidhiidhka labada geesoodka ee ka dhaxeeya labada dal, iyo qaababkii lagu taageeri lahaa, loona sii xoojin lahaa.

Dowladda Qatar ayaa tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo horaantii sannadkii 2017 ayaa si dhow u taageertay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Qatar ayaa la rumeysan yahay inay mar kale taageeri doonto dib u doorashada Madaxweyne Farmaajo, si ay danaheeda Soomaaliya u ilaashato.

More in focus

To Top