Connect with us

somalilandtoday.com

Cudur Aan Wali La Aqoonsan Oo Ka Dillaacay Dalka Hindiya

focus

Cudur Aan Wali La Aqoonsan Oo Ka Dillaacay Dalka Hindiya

Cudur Aan Wali La Aqoonsan Oo Ka Dillaacay Dalka Hindiya

(SLT-Delhi)-Saraakiisha dalka India ayaa baadhaya waxa sababay cudur aan wali la aqoonsan waxa uu yahay oo sababay in in ka badan 140 qof dhammaadkii toddobaadkii tagay oo kaliya la dhigo cusbitaalka.

Dhakhaatiirta ayaa sheegaya in dadka uu xanuunkani ku dhacay oo ka yimid deegaanka Eluru ee gobolka Andhra Pradesh, lagu arkay astaamo badan oo iskugu jira lallabbo, suuxdin iyo miyir beel.

Dhawr sariirood oo yaalla cusbitalka dowladda ee deegaankaasi ayaa la faaruqiyay si loo isticmaalo haddii loo baahdo oo la keeno bukaanno intaasi ka badan.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in bukaannada la xanuunsan cudurkan dhammaantood laga baadhay cudurka saf-marka ah ee Covid-19 balse markii dambe ay caddaatay in ayna cudurkaasi qabin.

Sarkaal caafimaad oo ka tirsan cusbitalka dowladda ee Eluru ayaa u sheegay wargeyska The Indian Express: “Dadka xanuunsan, gaar ahaan carruurta, ayaa si lama filaan ah u billaabay matag kaddib markii ay ka cawdeen indho gubasho. Qaar ka mid ah wayba suuxeen ama waxaa ku dhacay suuxdin”.

Qaar badan oo ka mid ah bukaannadaasi ayaa hadda xanuunkaasi ka bogsaday isla markaana si dhakhso ah cusbitalka looga saaray.

Wasiirka caafimaadka ee gobolka Andhra Pradesh, Alla Kali Krishna Srinivas, ayaa sheegay in baaritaan dhiigga ah oo lagu sameeyay dadka xanuunsan aana laga helin wax cadeyn ah oo ku saabsan in xanuunkooga uu sababay fayras.

“Waxaan meesha ka saarnay in xanuunkani uu ka dhashay biyo ama hawo sumeysan kaddib markii masuuliyiintu ay booqdeen meelaha ay dadku ku xanuunsadeen,” ayuu yidhi. “Waa xanuun aan la aqoonin oo nagu cusub, waxaana lagu ogaan karayaa oo kaliya baaritaanka shaybaarka.”

Si kastaba ha ahaatee xisbiga mucaaradka ah ee Telugu Desam, ayaa ku baaqay in baadhitaan lagu sameeyo dhacdadan, iyagoo ku adkeysanaya in cudurkani uu ka dhashay biyo ama hawa sumeysan.

More in focus

To Top