Connect with us

somalilandtoday.com

Amiir Caan Ah Oo U Dhashay Sacuudiga Oo Si Kulul U Dhalleeceeyay Israa’iil

focus

Amiir Caan Ah Oo U Dhashay Sacuudiga Oo Si Kulul U Dhalleeceeyay Israa’iil

Amiir Caan Ah Oo U Dhashay Sacuudiga Oo Si Kulul U Dhalleeceeyay Israa’iil

(SLT-Riyadh)-Amiir caan ah oo u dhashay Sacuudiga ayaa Axaddii si kulul u dhalleeceeyay Israa’iil intii lagu guda jiray shirka amniga ee Bahrain oo uu qaab fogaan arag ah uga qayb galay wasiirka arrimaha dibedda ee Israa’iil.

Tani ayaa muujinaysa caqabadaha heshiis kasta oo dhexmara dowladaha Carabta iyo Israa’iil, iyadoo ay meesha ka maqan tahay dowlad madax banaan oo Falastiiniyiintu leeyihiin.

Hadalkan kulul ee uu Amiir Turki al-Faysal ka jeediyay shirka Wadahadalka Manama ayaa u muuqday mid kadis ku ah Wasiirka Arimaha Dibada Israa’iil, gaar ahaan xilligan oo Israa’iiliyiintu ay soo dhaweyn diiran kala kulmayaan mas’uuliyiinta dalalka Bahrein iyo Imaaraatka Carabta, kadib heshiisyo ay ku hagaajiyeen xidhiidhkooda.

Si kastaba, arrinta aan heshiisyadaasi lagu xallin ayaa ah khilaafka tobannaan sano u dhexeeya Israel iyo Falastiiniyiinta. Falastiiniyiinta waxa ay u arkaan heshiisyadaasi mindi ay walaalohood Carbeed dhabarka kaga dhufteen iyo khiyaano lagu sameeyay qaddiyaddooda.

Amiir Turki ayaa hadalkiisa ku furay isbarbar dhiga waxa uu ku tilmaamay aragtida Israel ee ah in ay yihiin “kuwa nabadda jecel oo ilaaliya mabaadi’da sare ee akhlaaqda” iyo waxa uu ku tilmaamay xaqiiqada fog ee mugdiga ah ee ay Falastiin ku hoos nool yihiin waxa uu ugu yeeray “gumaysiga reer galbeedka”.

Israa’iil waxa ay “ku xidhay (Falastiiniyiinta) xerooyin go’doonsan iyadoo lagu haysto eedo amniga oo aan jirin – dhalinyaro iyo waayeel, haween iyo rag, kuwaasoo halkaas ku qurmaya iyagoo aan helin caddaalad,” ayuu yidhi Amiir Turki.

“Waxa ay u duminayaan guryaha sida ay doonaan wayna khaarajinayaan cidda ay doonaan,” ayuu yidhi.

Amiirka ayaa ku celiyey mowqifka rasmiga ah ee boqortooyada Sacuudiga ee ah in xalka uu ku jiro hirgelinta Hindisaha Nabada ee Carabta ee sanadkii 2002-dii, hindisahaasi oo Sacuudigu maal-geliyay, islamarkaana ugu baaqayay Israel in ay xiriir buuxa la yeelato dhamaan dowladaha carabta, taa bedelkeedana la yagleelo dowladda Falastiin oo ka talisa dhulka ay Israel ku qabsatay dagaalkii 1967-kii.

More in focus

To Top