Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Trump Oo Amray In Ciidammada Mareykanka Laga Soo Saaro Soomaaliya

focus

Madaxweyne Trump Oo Amray In Ciidammada Mareykanka Laga Soo Saaro Soomaaliya

Madaxweyne Trump Oo Amray In Ciidammada Mareykanka Laga Soo Saaro Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-Madaxweyne Donald Trump ayaa ku amray Waaxda Difaaca Mareykanka iyo Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM in horraanta sannadka soo socda laga soo saaro Ciidammada ku sugan dalka Soomaaliya.

Illaa 700 askari oo ka socota Mareykanka ayaa ku sugan Soomaaliya, kuwaasoo dagaal kula jira Al-Shabaab iyo Daacish, isla markaana taageera Ciidammada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Ciidammadan laga saarayo Soomaaliya ayaa la geynayaa dalalka deriska la ah Soomaaliya ee bariga Afrika, halka kuwa kalena la geynayo dalal ka baxsan Afrika.

Mareykanka ayaa sheegay inuu sii wadayo howlgalada ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab, isla markaana Ciidammada la geynayo Saldhigyo ku yaalla Jabuuti iyo Kenya ay ka qeyb qaadan doonaan fulinta howlgalada cadaadiska lagu saarayi Kooxaha Xagjirka.

Lama oga saameynta arrintan ku yeelan karto dhanka ammaanka, iyadoo Mareykanka taageero siinayay Ciidammada Kumaandooska Soomaaliya oo uu ka taageerayay dhanka tababarada iyo Saadka.

Si kastaba ha ahaatee go’aanka uu Mareykanka ciidamadiisa kagala baxayo Soomaaliya ayaa ku soo aaday, iyadoo is bedel weyn ku yimid nidaamkii Trump oo lagaga adkaaday doorashadii dhowaan dhacday, waxaana Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden uu xilka la wareegi doonaa bisha soo socoto.

More in focus

To Top