Connect with us

somalilandtoday.com

KULMIYE Oo Kormeeray Goobaha Ay Is-diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu Ka Socoto Ee Degmooyinka Gabiley, Wajaale, Geed-ballaadh, Allay-baday Iyo Arabsiyo

focus

KULMIYE Oo Kormeeray Goobaha Ay Is-diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu Ka Socoto Ee Degmooyinka Gabiley, Wajaale, Geed-ballaadh, Allay-baday Iyo Arabsiyo

KULMIYE Oo Kormeeray Goobaha Ay Is-diiwaangelinta Cod-bixiyayaashu Ka Socoto Ee Degmooyinka Gabiley, Wajaale, Geed-ballaadh, Allay-baday Iyo Arabsiyo

(SLT-Gabiley)-Wefti ballaadhan oo katirsan xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda oo uu hoggaaminayo guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), ayaa maalintii shalay kormeeray goobaha ay ka socoto wejiga labaad ee is-diiwaangelinta cob-bixiyayaasha ee degmooyinka Gabiley, Wajaale, Geed-ballaadh, Allay-baday iyo Arabsiyo.
Weftiga uu hoggaaminayo guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Md. Axmed Cabdi-dheere oo ay sidoo kale xubno ka yihiin, wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Md. Cabdiweli Cabdilaahi Suufi, xoghayaha guud ee xisbiga Md. Ibraahim Axmed Raabi, Afhayeenka xisbiga Md. Cabdinaasir Muxumed Xasan (Buuni), guddoomiyeyaasha xisbiga KULMIYE ee gobollada Gabiley iyo Maroodi-jeex, Md. Axmed Maxamuud Shirwac iyo Md. Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Hadhiye), ku-xigeenka badhasaabka Maroodi-jeex, Md. Khadar Baaruud Cumar iyo saraakiil kale oo xisbiga katirsan, ayaa aroortii hore kormeerkooda ka bilaabay degmada goobaha sanaadiiqda is-diiwaangelinta cod-bixiyayaasha ee degmada Arabsiyo, waxana ay u kuurgaleen habka ay muwaadiniintu isu diiwaangelinayaan iyo qaabka ay shaqadu u socoto.
Goobo kala duwan oo katirsan magaalada Gabiley, ayey sidoo kale weftigu ku tageen kormeerkooda, waxana ay indho indheeyeen qaabka ay is-diiwaangelintu halkaas uga socoto, iyaga oo dadweynaha deegaankaasna ku wacyigeliyey qiimaha ay mustaqbalkooda siyaasiga ah u leedahay is-diiwaangelintu, islamarkaana ku adkeeyey inay degdeg isu diiwaangeliyaan.
Degmooyinka Wajaale, Geed-ballaadh, Allay-baday iyo deegaanno kale oo hoos yimaadda, ayey sidoo kale weftigu kusoo mareen socdaalkooda ay ugu kuurgelayaan habka ay is-diiwaangelinta cod-bixiyayaashu u socoto, waxana ay bulshada u jeediyeen hadallo dardaaran ah oo salka ku haya sida ay waajibka u tahay in la is diiwaangeliyo, islamarkaana uu qof weliba u doorto ciddii uu arko inay dantiisa siyaasiga ahi ku jirto.
Masuuliyiintan ka kala socota xisbiga iyo xukuumadda, ayaa shacabka deegaannadan ay mareen ku dhaqan ku adkeeyey inay ka faa’iidaystaan fursadda la siiyey ay dib isugu diiwaangelinayaan, waxana ay qaab xikmadaysan ugu sheegeen faa’iidooyinka kala duwan ee ku duugan is-diiwaangelinta oo fure u ah inuu qof waliba mustaqbalka dambe soo doorto ciddii meteli lahayd, maadaama ay inagu soo fool leeyihiin doorashooyinkii goleyaasha deegaanka iyo wakiillada.
Dhammaanba goobaha ku kala yaalla degmooyinka kala duwan ee ay weftigu kormeerkooda kusoo mareen, ayey kula kulmeen dadweyne safaf dhaadheer ugu jira sidii ay isu diiwaangelin lahaayeen, waxana ay hawsha isdiiwaangelintu goobahaas uga socotay si caadi ah, iyada oo ay hawl-wadeennada Komishanka ee goobahaasi ku suganina gudanayeen waajibkooda shaqo.

More in focus

To Top