Connect with us

somalilandtoday.com

Dalkii Ugu Horreeyay Oo Ansiyayo In La Adeegsan Karo Tallaalka Ka Hortagga Cudurka COVID 19

focus

Dalkii Ugu Horreeyay Oo Ansiyayo In La Adeegsan Karo Tallaalka Ka Hortagga Cudurka COVID 19

Dalkii Ugu Horreeyay Oo Ansiyayo In La Adeegsan Karo Tallaalka Ka Hortagga Cudurka COVID 19

Dalka Britain ayaa noqday dalkii ugu horreeyay ee dunida ee ansixiyo in la adeegsan karo tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19 oo ay soo saareen shirkadaha kala ah Pfizer iyo BioNTech.

Waxay sheegtay in toddobaadka dambe dalkaas laga bilaabo doono tallaal baahsan iyadoo la adeegsan doono tallaalkan.

Waana tallaalkii ugu horreeyay ee loo adeegsanayo ka hortagga cudurka Koroona kaddib markii lasoo gabagabeeyay hubinta iyo tijaabintiisa.

Tijaabo la sameeyay ayaa muujineysaa in boqolkiiba 95 tallalkan uu waxtar leeyahay isla markaana dowladda UK ay sheegtay in uusan wax dhibaato ah geysaneyn lana adeegsan karo.

Dowladda Britain waxay amar ku bixisay in bilaha soo socda tallaalka la gaadhsiin doono 20 malyan oo qof.

Xoghayaha caafimaadka ee UK, Matt Hancock ayaa sheegay in tallaalkan la gaadhsiin doono dadka da’da ah, dadka nugul iyo howl-wadeenada caafimaadka.

More in focus

To Top