Connect with us

somalilandtoday.com

La-taliyihii Madaxweyne Trump Ee Coronavirus Oo Is-casilay

focus

La-taliyihii Madaxweyne Trump Ee Coronavirus Oo Is-casilay

La-taliyihii Madaxweyne Trump Ee Coronavirus Oo Is-casilay

(SLT-Washington)-La taliyihii gaarka ahaa ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee coronavirus, Scott Atlas, ayaa is casilay.

Dr Atlas oo lagu muransanaa ayaa isaga oo u mahad celinaya Mr Trump, wuxuu sheegay inuu “mar walba ku tiirsanaa sayniska iyo caddeymihii ugu dambeeyay isagoo aan eegeynin siyaasadda amaba aysan jirin wax fara gelin ah”.

Afartii bilood ee uu xilka hayay, wuxuu su`aal geliyay baahida loo qabo maaskarada wejiga iyo tallaabooyin kale oo lagu xakameynayo xanuunka safmarka ah.

Waxay sidoo kale dhowr jeer isku dhaceen xubnaha kale oo kooxda coronavirus.

Ninkan ku takhasusay raajada wuxuu kooxda ku biiray bishii August, wuxuu sidoo kale ka soo horjeeday xayiraadaha isaga oo taageersanaa fekerka ah in qofka uu xanuunka kaga adkaado difaaca jirkiisa.

Khubarrada caafimaadka bulshada sida Dr Anthony Fauci iyo Xarumaha Xakameynta iyo Kahortagga Cudurka (CDC) ayaa ku eedeeyay Dr Atlas inuu Madaxweyne Trump siiyay xog khaldan oo marin habaabin ah oo ku saabsan faafitaanka fayraska.

Saaxiibbadiis kale ayaa aad ugu cambaareeya fekerkiisa ku aaddan Covid-19 oo ay sheegeen inuu ka hor imaanayo sayniska. Waxay soo dhoweeyeen is casilaaddiisa.

Si kastaba qandaraaska ninkan ayaa ku ekaa toddobaadkan, sida laga soo xigtay Fox News.

Warqaddiisa is casilaadda ayuu Dr Atlas ku sheegay in taladiisa “ay mar walba diiradda saareysay yareynta dhibaatooyinka la xiriira xanuunka safmarka ah iyo siyaasadaha, gaar ahaan ay u leeyihiin dadka shaqeeya iyo kuwa saboolka ah”.

Dr Atlas ayaa kooxda coronavirus ee la shaqeyn doonta maamulka Biden u rajeeyay guul.

Madaxweynaha la doortay Biden ayaa si ka duwan Trump wuxuu qof walba ku boorriyay inuu xidho maaskarada.

Mareykanka ayaa diwaan geliyay in ka badan 13 milyan oo kiisaska coronavirus ah iyo in ka badan 266,000 oo xanuunka u dhintay.

Malaayiin qof ayaan u hoggaansamin talooyinka saynis yahannada ee ah inay guryaha joogaan.

More in focus

To Top