Connect with us

somalilandtoday.com

Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Nin Gabadh Ku Dilay Hargeysa

focus

Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Nin Gabadh Ku Dilay Hargeysa

Booliska Somaliland Oo Ka Hadlay Nin Gabadh Ku Dilay Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay gabadh dhalinyaro ah oo maalmo kahor lagu dhex dilay Guri ku yaalla xaafad ka tirsan Magaalada Hargeysa.

Afhayeenka Ciidanka Booliska G/sare Faysal Xiis Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Gabadha lagu dhex dilay Guri ku yaalla xaafadda xero Digaagta ee Hargeysa, uuna falkaas ka dambeeyay Nin lagu magacaabo Nuur Axmed Ismaaciil.

Waxa oo uu sheegay Afhayeenka in Nuur Axmed uu gabadha u dilay arrimo la xidhiidha Jaceyl ama haasaawe kala dhexeeyay, kadib markii Marxuumada uu dhowr jeer wacay farriimana u diray, ayna telefoonka ka qaban weyday, kadibna uu cadhooday.

Intaas kadib ayuu Nuur gabadha ugu tegay Guri ay ku sugneyd, isla markaana uu Madaxda laba jeer kaga dhuftay Baangad uu watay, iyada oo isla goobta ku geeriyootay Gabadha oo aad u dhiig baxday.

Afhayeen Faysal Xiis Cilmi ayaa sheegay in falka kadib laamaha amniga ay sameeyeen howlgal ballaadhan, isla markaana ay gacanta kusoo dhigeen Nuur Axmed Ismaaciil iyo Baangadii uu dilka ku geystay, haatana uu xidhan yahay.

Ugu dambeyn Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland ayaa waxaa uu sheegay Nuur Axmed Ismaaciil loo gudbin doono Maxkamadda, si sharciga loo marsiiyo, maadaama uu si cad u dilay Gabadha oo lagu magacaabi jiray Nateexo Ismaaciil Aadan 25 jir aheyd, isagoona qirtay inuu ka dambeeyay falkaas, Halkan hoose ka DAAWO

More in focus

To Top