Connect with us

somalilandtoday.com

Canada Oo Mamnuucday In Dawooyin Loo Dhoofiyo Maraykanka

News

Canada Oo Mamnuucday In Dawooyin Loo Dhoofiyo Maraykanka

Canada Oo Mamnuucday In Dawooyin Loo Dhoofiyo Maraykanka

(SLT-Washington)-Canada ayaa mamnuucday in dawooyinka qaarkood loo dhoofiyo Maraykanka, si aanay u dhicin inay dalka gababaabsi ku noqdaan.

Go’aankan ayaa lagaga falcelinayaa qorshe Maraykanku ku doonayo in dawooyin jaban laga soo waaridi karo Canada si ay ugu suurto gasho in ay sicir jaban ku heli karaan shacabka Maraykanku.

In kasta oo qiimaha dawooyinka ee Canada uu ka qaalisan yahay dalalka kale qaarkood, ayaa hadana ay aad uga jaban yahay qiimaha Maraykanka gudihiisa.

Shirkadaha dawooyinka ee Canada qaar ka mid ah ayaa ka digay qorshahaa Madaxweyne Trump, waxaanay sheegeen in arintaasi keeni doonto in dalka dawooyinku suququl ku noqdaan.

Safmarka jira ayaa marka horeba kordhiyey baahida loo qabo dawooyinka qaarkood sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Warbxin ay soo saartay wasaaradda caafimaadka ee Canada ayaa lagu sheegay in dalku dawooyinka uu u baahan yahay 68% dibadda looga soo dhoofiyo sidaa awgeedna ay muhiim tahay in laga foojignaado in kala go’ iyo gabaabsi dhaco.

“Shirkadaha waxa waajib ku noqon doonta in ay ka war bixiyaan hadii ay gabaabsi noqdaan dawooyinku ama ay jirto cabsi ay ka qabaan in arintaasi dhici karto waana in ay ku soo sheegaan 24 saacadood gudahood hadii ay dareemaan in halis dawo la’aan ahi soo fool leedahay” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Trump ayaa saxeexay qaraar madaxweyne bishii Juulaay kaas oo si sharci ah u fasaxaya in Canada dalkiisa looga soo waaridi karo dawooyin jaban.

Bil ka dib ayaa ra’isal wasaaraha Canada, Justin Trudeau, sheegay in uu u heelan yahay in la caawiyo dalalka kale oo loo dhoofiyo intii suurto gal ah dawooyinka, laakiin mudnaantiisa koobaad tahay in la daryeelo shacabka Canada.

Shirkadaha dawooyinka sameeya ayey aad u dhaleecaynayeen siyaasiyiinta Maraykana oo uu ka mid yihan Trump, waxaana sidoo kale dhaliilay shirkadaha caymiska iyo ururada u dooda xuquuqda dadka bukaanka ah oo dhamaantood ku dhaliilay in ay aad kor ugu qaadaan qiimaha dawooyinka.

Madaxweynaha la doortay, Joe Biden, ayaa isna hore carrabka ugu dhuftay suurto galnimada ah in dawooyin jaban dalka loo soo waarido.

More in News

To Top