Connect with us

somalilandtoday.com

Abiy Ahmed Oo Shaaciyay In Howlgalka Tigray Uu Gaadhay Wajigii U Dambeeyay

focus

Abiy Ahmed Oo Shaaciyay In Howlgalka Tigray Uu Gaadhay Wajigii U Dambeeyay

Abiy Ahmed Oo Shaaciyay In Howlgalka Tigray Uu Gaadhay Wajigii U Dambeeyay

(SLT-Addis Ababa)-Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in howlgalka millateri ee ka socda Gobolka Tigray uu gaadhay wajigii u dambeeyay.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in Ciidamada Millateriga uu ku amray inay qaadaan howlgalkii u dambeeyay ee lagu soo afjarayo maleeshiyada Tigray.

“Waxaa dadaal u geli doonaa sidii aan u xaqiijin laheyd in magaalada Mekelle aanay burbur ugu dhici laheyn”ayuu yidhi Abiy.

Waxaa dhammaatay mudada 72 saac ee Ra’iisul Wasaare Abiy u qabtay in Maamulka TPLF isku soo dhiibaan.

Millateriga Itoobiya ayaa hareereeyay caasimadda Mekelle, iyadoo taangiyaal iyo madaafiic lagu jeediyay, waxaana Taliyaha Millateriga uu ku hanjabay inay madaafiic ku garaaci doonaan, ayna shacabka isaga baxaan magaalada.

More in focus

To Top