Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxwaynihii Hore Ee Dalka Niger Oo Geeriyooday

focus

Madaxwaynihii Hore Ee Dalka Niger Oo Geeriyooday

Madaxwaynihii Hore Ee Dalka Niger Oo Geeriyooday

(SLT-Nigeria)-Dowaladda Niger ayaa shaacisay in Madaxweynihii hore ee dalkaas Tanga Mamadou oo ahaa 82 jir geeriyoday, sida lagu shaaciyay qoraal goor dambe oo maanta ah kasoo baxay Madaxtooyadda dalkaas

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda isagoo ka xun wuxuu idinla socodsiinayaa geerida Mudane Tanga Mamadou, madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Niger” ayuu lagu yidhi Qoraalka Madaxtooyada.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in dalka Niger geli doono seddex maalin oo baroor diiq ah, isla markaana Calamka qaranka hoos loo dhigi doono maalmaha ay socdaan baroor diiqa loo sameynayo Madaxweynihii hore ee dalkaas.

Tanga Mamadou ayaa xukumayay dalka Niger sannadihii 1999 ilaa 2010.

More in focus

To Top