Connect with us

somalilandtoday.com

FARMAAJO Oo Taageero U Muujiyay Abiy Axmed

focus

FARMAAJO Oo Taageero U Muujiyay Abiy Axmed

FARMAAJO Oo Taageero U Muujiyay Abiy Axmed

Madaxweyne Farmaajo ayaa dowladda Itoobiya ku taageeray dagaalka ay ka wado Gobolka Tigray ee ay ugu magacawday howlgalka sharci fulinta.

Kulan shalay dhex-maray Madaxweyne Farmaajo iyo La Taliyaha Amniga ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayay uga hadleen xaalada ka taagan Itoobiya, howlgalka ka socda waqooyiga dalkaas.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku saabsan kulankaas, haddana Safiirka Itoobiya ee ayaa shaaciyay kulankaas.

Safiir Jamaludiin ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu taageero iyo midnimo u muujiyay howlgalka sharci fulinta ee ka socda waqooyiga Itoobiya.

La-taliyaha Amniga ee Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa safaro ku maraya dalalka Gobolka, si uu taageero ugu raadiyo howlgalka ka socda Gobolka Tigreega.

Itoobiya ayaa illaa hadda ku guulleysatay in dalalka Gobolka iyo kuwa Midowga Afrika ayna ka hadlin dagaalka, iyadoo meesha ka saartay in la dhex dhexaadiyo Itoobiya iyo Maamulka TPLF.

More in focus

To Top