Connect with us

somalilandtoday.com

Imaaraadka Oo Xayiraad Cusub Kusoo Rogay Dalal Ay Ku Jirto Soomaaliya

focus

Imaaraadka Oo Xayiraad Cusub Kusoo Rogay Dalal Ay Ku Jirto Soomaaliya

Imaaraadka Oo Xayiraad Cusub Kusoo Rogay Dalal Ay Ku Jirto Soomaaliya

(SLT-Abu Dubia)-Dowladda Isu Taga Imaaraadka Carabta ayaa mar kale xayiraad cusub ku soo rogtay dalal ay ku jirto Soomaaliya, sida ay maanta warisay warbaahinta gudaha ee dalkaasi.

Go’aankan ayaa la xidhiidha soo laba kacleynta cudurka safmareenka ah ee Coronavirus oo hore saameyn ugu yeeshay dalal badan oo ku yaalla caalamka.

Wadamada uu saameynayo go’aankan cusub ee Imaaraadka ka soo baxay ayaa ka mid ah Somalia, Kenya, Yemen, Iran, Iraq, Pakistan, Afghanistan, Syria iyo Turkiga.

Xayiraada la saaray wadamadan ayaa la sheegay inay socon doonto illaa amar dambe, inkasto aan la shaacin waqtiga rasmiga ah ee la qaadi doono.

More in focus

To Top