Connect with us

somalilandtoday.com

“Wuu Dhammaaday Wakhtigii Loo Qabtay Inay Isku Soo Dhiibaan Jabhada TPLF…” Abiy Ahmed

focus

“Wuu Dhammaaday Wakhtigii Loo Qabtay Inay Isku Soo Dhiibaan Jabhada TPLF…” Abiy Ahmed

“Wuu Dhammaaday Wakhtigii Loo Qabtay Inay Isku Soo Dhiibaan Jabhada TPLF…” Abiy Ahmed

(SLT-Addis Ababa)-Raysal wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay in uu soo dhammaaday waqtigii loo qabtay inay isku soo dhiibaan maleeshiyaadka iyo ciidamada TPLF ee weli la dagaalamaya ciidammadiisa.

“Waa dhammaatay muddadii loo qabtay inay isku soo dhiibaan maleeshiyada iyo ciidamada gaarka u tababaran ee TPLF, ” ayuu yidhi Abiy Axmed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu mahad-celinayo dhammaan dadkii faa’iideystay fursadaasi ee isku soo dhiibay ciidamada federaalka ee duulaanka ku qaaday Tigrayga.

Xaaladda Itoobiya ayaa weli qasan, iyada oo uu sii xoogeystay dagaalka ka socda waqooyiga dalkaasi oo qaatay in ka badan 10 cisho.

Kumaanaan kun oo qoys ayaa sidoo kale isaga qaxay gobolkaasi, kuwaas oo u tallaabay gudaha dalka Suudaan.

Si kasataba wadamada gobolka iyo Qaramada Midoobay ayaa ka digaya sii socoshada dagaalkan iyo colaadaha ka taagan waqooyiga dalka Itoobiya.

More in focus

To Top