Connect with us

somalilandtoday.com

JABUUTI Oo War Ka Soo Saartay Dagaalka Itoobiya

focus

JABUUTI Oo War Ka Soo Saartay Dagaalka Itoobiya

JABUUTI Oo War Ka Soo Saartay Dagaalka Itoobiya

(SLT-Jabuuti)-Dowladda Jabuuti sheegtay inay dhaxdhaxaadin ka gali doonto sidii loo soo afjari lahaa dagaalka ka socda dalka haddii loo baahdo.

Jabuuti ayaa warkan soo saartay kaddib kulan dhaxmaray Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo la taliyaha gaarka ah ee  Ra’iisul Wasaaraha  Itoobiya oo lagu Magacaabo Mr Guido Andargachou,  kuwaa oo ka wada hadlay dirirta ka socta gobolka Tigreyga oo hadda u muuqata mid ku sii fideysa gobolka oo idil.

War ka soo baxay Wasaarrada Arimaha Dibadda Jabuuti ayaa lagu sheegay in Jabuuti waxay si buuxda u taageereysaa midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Itoobiya.

Sidoo Jabuuti waxey xaqiijineysaa ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka in xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed Ali ay tahay tan kaliya ee dammaanad qaadaysa midnimada dhuleed ee Itoobiya.

Dhinaca kale, Jabuuti waxay ku baaqeysaa in si nabad ah lagu xaliyo dhibaatadan gudaha ka jirta ee Itoobiya iyadoo uu hogaaminayo mudane Abiy Ahmed, raiisul wasaaraha Itoobiya.

Ugu dambeyntiina, Jabuuti waxay muujisay inay diyaar u tahay inay taageerto, haddii loo baahdo, dadaallo loogu talagalay in lagu xalliyo xasilloonida dhibaatadan”

More in focus

To Top