Connect with us

somalilandtoday.com

“Sacuudi Carabiya Si Arxan-darro Ah Ayay U Weerari Doontaa Kuwa Halista Gelinaya Amnigeeda Iyo Xasiloonideeda” Maxamed Binu Salmaan

focus

Sacuudi Carabiya waxay “si araxan-darro ah u weerari doontaa” kuwa halista geliya amnigeeda iyo xasiloonideeda, waxaa sidaas ku hanjabay dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed bin Salmaan.

Hadalka Maxamed bin Salman jeediyey ayaa yimid kadib markii laba qof lagu dhaawacay weerar lala beegsaday xaflad lagu xusayey dagaalkii koowaad ee adduunka oo ka dhacday magaalada Jeddah.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka oo lala beegsaday dad aan Muslimiin aheyn, oo qaarkood u shaqeynayey safaaradda Faransiiska iyo safaarado kale.

“Waxaan sii wadi doonnaa inaan si arxan darro ah u weerarno cid kasta oo ay la tahay inay halis gelin karto amnigeena iyo xasiloonideena,” ayuu yidhi Maxamed bin Salman.

Weerarkii Arbacadii ayaa yimid laba toddobaad kadib markii nin Sacuudiyaan ah lagu dhaawacay iridda qunsuliyadda Faransiiska ee Jeddah, markii sidoo halkaas lagu weeraray.

Maxamed bin Salman ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay ka go’an tahay ka hortagidda argagixisada, islamarkaana aysan ogolaan doonin ficil kasta oo argagixiso.

More in focus

To Top