Connect with us

somalilandtoday.com

Hoggaamiyaha Tigreega Oo Xaqiijiyay Inay Duqeeyeen Garoonka Diyaaradaha Ee Asmara

focus

Hoggaamiyaha Tigreega Oo Xaqiijiyay Inay Duqeeyeen Garoonka Diyaaradaha Ee Asmara

Hoggaamiyaha Tigreega Oo Xaqiijiyay Inay Duqeeyeen Garoonka Diyaaradaha Ee Asmara

(SLT-Asmara)-Hoggaamiyaha Gobolka Tigray ee Ethiopia Debretsion Gebremichael ayaa xaqiijiyay in ciidamada Tigreega ay duqeeyeen garoonka diyaaradaha ee caasimada Asmara ee Eriteriya.

Dhacdadaani ayaa waxa ay sare u sii qaadeeysaa xisaadda colaadeed ee u dhaxeysaa dowladda Itoobiya iyo xoogagga deegaanka Tigreega ee TPLF

Ilo wareedyo ku sugan Eritrea ayaa sheegay in gantaallo lagu garaacay garoonka diyaaradaha, laakiin ay seegtay bartilmaameedyadooda. Wax dhaawac ah lama soo sheegin ilaa iyo hadda.

Hoggaamiyaha Tigreega ayaa sidoo kale sheegay in ciidammadiisu ay maalmihii lasoo dhaafay la dagaalamayeen ciidammada Eritereya.

Dagaal ayaa toddobaadkii hore dhex maray ciidammada dawlada Itoobiya iyo ciidamo daacada u ah xisbiga xukuma gobolka Tigray – TPLF.

Kooxda TPLF ayaa ku eedeysay madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki inuu la saftay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ugu yaraan toddoba iyo toban kun oo qof ay ka gudbeen xadka Suudaan ka dib markii ay ka soo carareen dagaallada ka socda Tigray.

Ku dhawaad laba toddobaad deegaannada ku teedsan xadka ay wadaagaan deegaannada Amxaarada iyo Tigraay waxaa ka socda dagaal xooggan oo qayb ka aha dagaalka ay dowadda dhexe ku qaadday deegaanka Tigraay kaddib marki ay dowladda Itoobiya ciidamo daacad ah u ah TPLF ay ku eedeysay iney weerareen ciidamada federaalka ee qaybta waqooyi.

Kummaanaan qof ayaa ka soo qaxayaa colaadda gobolka Tigreega kuwaasi oo intooda badan u qaxay dalka ay dariska ay yihiin ee Suudaan.

Suudaan ayaa sheegtay in ay dadka ka soo barakacay dagaalka u dhaxeeya dowladda Itoobiya iyo jabhadda TPLF ay hooy siinayaan.

More in focus

To Top