Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi Oo 3 Sanno Jirsaday Iyo Dib U Milicsiga Qaar Ka Mid Ah Ballanqaadyadii Uu Ololaha Ku Galay Oo Aan Illaa Hadda Waxba Ka Fulin

English

Madaxweyne Biixi Oo 3 Sanno Jirsaday Iyo Dib U Milicsiga Qaar Ka Mid Ah Ballanqaadyadii Uu Ololaha Ku Galay Oo Aan Illaa Hadda Waxba Ka Fulin

Madaxweyne Biixi Oo 3 Sanno Jirsaday Iyo Dib U Milicsiga Qaar Ka Mid Ah Ballanqaadyadii Uu Ololaha Ku Galay Oo Aan Illaa Hadda Waxba Ka Fulin

Hogaaminta Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Shalay saddex sanno jirsatay, waxaana si weyn loo hadal hayaa waxa uga qabsoomay balanqaadyadiisii mudadaaas saddex sanno ah ee uu Hogaanka Dalka hayay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa loo dhaariyay hogaanka dalka 13-kii Bishii 11-2017-kii, maalintaasi oo ku beegnayd Shalay kadib markii uu tartankii Madaxtooyada kaga adkaaday Musharaxiintii Xisbiyadda UCID iyo WADDANI, Eng Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi Cirro, waxaanu si hamsi leh hogaanka Dalka u qabtay kadib markii loo dhaariyay islamarkaana Munaasibad cajiib ahna loogu qabtay Qasriga Madaxtooyada taasi oo uu xilkii kagala wareegay Madaweynihii ka horeeyay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Hadaba tan maalintaas Xilka loo dhaariyay ee uu Madaxweyne Muuse Biixi hogaanka dalka qabtay ee uu la wareegay waxa kasoo wareegay hadda Muddo saddex sanno ah taasi oo ka dhigaysa in Cimriga la doortay oo ku eg Muddo Shan sanno ah inay hadda u hadhay muddo Laba sanno oo qudha ahi. Marka dhinaca kale laga eego, waxa uu madaxweyne Biixi xilhayntiisu kaga egtahay oo ay ka dhamaan doontaa 13/11/2022-ka, oo ay hadda inaga xigaan muddo laba sanadood ahi iyo boqolaal Maalmood oo qudh ahi, taasi oo muujinaysa inuu wakhtigiisii intii u badnayd soo idlaystay.

Hadaba Waxaynu soo qaadanaynaa qaar ka mid ah balanqaadyaddii ugu mihiimsanaa ee uu Madaxweyne Biixi bulshada u balanqaaday Saddex sanno ka hor, waxaanay kala yihiin kuwan:

1- In la dejiyo istaraatejiyad Firfircoon o ictiraaf lagu raadiyo.

2 – Inaan Hirgalin Nidaam Dhaqaale oo furfuran oo dhiirigalinaya Wax soo saarka Dalka, si looga baxo saboolnimada.

3 – Inaan Casriyayno adeegyada bulshada sida, Caafimaadka, Waxbarashada iyo Biyaha, aniga oo hubinaya in dadka saboolka ah iyo kuwa naafadda ahi helaan adeegyo ay iskaga bixin karaan ama bilaash ah

4 – In Sharcigu ka sareey qof kasta, cidduu doono ha noq dee, lana hirgaliyo cadaalad buuxda oo muwaadiniintu u siman tahay.

5 – Inaan dejiyo istaraatijiyada dhaqaale iyo Mashaariic lagaga hortagayo Masiibooyinka Sida abaaraha.

Shantaasi qodob waxay ahaayeen kuwii ugu mihiimsanaa balanqaadyadii ku yaalay buuggii cagaarnaa ee Xisbiga KULMIYE Iyo Barnaamijkii siyaasadeed ee Madaxweyne Biixi, waxaanay dadka aqoonta dheer u leh dawladnimada iyo Hogaaminta horumarinta ku dhisan ee qorshayaasha lehi ay ku sifeeyeen inaan Madaxwene Biixi dib u akhrisan balanqaadyaddiisii wakhtigii ololaha islamarkaana aan illaa hadda laga hayn hal Mashruuc oo naajax ah oo uu fuliyay mudadaasi saddex sanno ah ee uu hogaanka Dalka hayay marka laga tago mashruuca Shaqo qaran balse la eego arimaha daruuriga ah ee nolosha Bulshada taabanaya iyo arimaha siyaasiga ah ee hogaaminta dalka u mihiimka ah, sida arimihii dibada oo ay Somaliland kasoo oodantay intii uu Madaxweyne Biixi Xilka hayay.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah dadka Siyaasada iyo Hogaaminta wax ka bartay ayaa Madaxweyne Biixi ku tilmaama siyaasi aan qorshe siyaasadeed oo dhab ah la iman hogaaminta dalka islamarkaana ku asqoobay baahiyaha xad dhaafka ha ee dalka ka taagan, keliyana u hamuum qabay inuu Madaxweyne Noqdo, Waana taa keentay inaanu illaa hadda oo uu hogaanka dalka hayo saddex sanno aanu hal waxqabad oo muuqda la iman.

More in English

To Top