Connect with us

somalilandtoday.com

PUNTLAND Oo Shaqadii Ka Joojisay Wasiir Iyo Agaasime Guud Oo Isku Gacan Qaaday

focus

PUNTLAND Oo Shaqadii Ka Joojisay Wasiir Iyo Agaasime Guud Oo Isku Gacan Qaaday

PUNTLAND Oo Shaqadii Ka Joojisay Wasiir Iyo Agaasime Guud Oo Isku Gacan Qaaday

(SLT-Garoowe)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa shaqadii ka joojiyay wasiirkii kalluumaysiga Puntland Maxamuud Xaaji Saalax iyo agaasimihii guud ee wasaaraddaas, Cabdirisaaq jaamac Aadan.

Madaxweyne ku xigeenku ma sheegin sababta uu shaqada uga joojiyay labada masuul. Hase yeeshee xog warbaahintu heshay ayaa sheegaysa in labada masuul ay maalmo ka hor uu dhexmaray gacan ka hadal kadib muran soo kala dhexgalay.

Warar la helayo ayaa sheegaya in masuuliyiintu isku qabteen arrimo dhaqaale. Kadib murankooda oo batay ayaa sababay gacan ka hadalka.

Puntland, gacan ka hadalka mas’uuliyiinta dhexdooda waa mid soo noq noqotay. Waxaana horey sidaan oo kale xilalkooda ugu waayay laba kamid ah taliyayaasha ciidammada booliiska.

More in focus

To Top