(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti ka socday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu hoggaaminayey wasiirka Wasaaradda Biyaha, Beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Jabuuti Mudane Maxamed Axmed Cawaale (Maxamed Soomaali) oo dalka Somaliland u yimi hawlo shaqo oo ay labada dal iska kaashan-doonaan.
Kulankan Madaxweynuhu ku qaabilay wasiirka ayaa ku soo beegmaya dardar-gelinta xidhiidhka walaalnimo, iskaashi iyo derisnimo ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Jabuuti ka dhexeeyey oo muddooyinkii u danbeeyey ay labada dal xoojiyeen, muddo bil gudeheed ahna ay laba wefti oo ka socda dalka Jabuuti soo gaadhaan Somaliland, kuwaas oo u socday horumarinta iyo adkaynta xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dhinac.