Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaarihii Ugu Wakhtiga Dheeraa Adduunka Geeriyooday

focus

Raysal Wasaarihii Ugu Wakhtiga Dheeraa Adduunka Geeriyooday

Raysal Wasaarihii Ugu Wakhtiga Dheeraa Adduunka Geeriyooday

(SLT-Mareykanka)-Raysal Wasaarihii waddanka Baxreyn Sheekh Khalifa bin Salman Al Khalifa ayaa lagu warramayaa inuu ku geeriyooday cisbitaal ku yaalla Magaallo ka tirsan dalka Mareykanka.

Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Sheekh Khalifa uu maalmihii lasoo dhaafay ku xannuunsanayay cisbitaalka lagu magacaabo Mayo Clinic ee ku yaalla dalka Mareykanka.

Geerida Sheekh Khalifa bin Salman ayaa waxaa xaqiijiyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Baxreyn, in kastoo weli wax war ah anu kasoo bixin Madaxda sare ee dowladdaas kuna aadan geerida.

Ra’iisul Wasaarihii waddanka Baxreyn Sheekh Khalifa bin Salman Al Khalifa ayaa waxaa uu ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu waqtiga dheeraa ee soo mara adduunka, wuxuuna ku geeriyooday da’da 84 jir

More in focus

To Top