Connect with us

somalilandtoday.com

Mooshin Ka Socda Garoowe Iyo Madaxweyne Deni Oo Deg-deg Ugu Soo laabanaya Puntland

focus

Mooshin Ka Socda Garoowe Iyo Madaxweyne Deni Oo Deg-deg Ugu Soo laabanaya Puntland

Mooshin Ka Socda Garoowe Iyo Madaxweyne Deni Oo Deg-deg Ugu Soo laabanaya Puntland

(SLT-Garoowe)-Xildhibaano ka tirsan maamul Gobolleedka Puntland ayaa weli Mooshin ka wada Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad iyo labaad ee Baarlamaanka Puntland, kuwaasi oo loo jeediyay eedeeymo kala duwan.

Mooshinka oo maalmihii dambe ay wadeen Xildhibaano dhowr ah oo ka tirsan Puntland ayaa mar kale xalay soo shaac baxay, kadib markii Xildhibaanada ay kulan ku yeesheen Magaalada Garoowe, iyagoona doonaya inay horgeyan Baarlamaanka Mooshinkaas.

Xildhibaanada saxeexay Mooshinka ayaa Guddoomiye ku-xigeen Koowaad ee Baarlamaanka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye Ismaaciil Maxamed Warsame waxaa ay ku eedeeyeen inay gudan waayeen waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.

 Warar la helayo ayaa sheegaya in Xildhibaanada ay qorsheynayan in Mooshinka maalinta berri oo Isniin ah la horgeeyo Baarlamaanka Puntland, waxaana xusid mudan in hore loo joojiyay Mooshinka haatan socdo, balse mar kale uu  soo laba-kacleeyay.

Dhinaca Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo safar ugu maqan Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inuu ka war helay Mooshinka laga wada Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad iyo labaad ee Maamulka.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa la tilmaamay inuu la soo xidhiidhay Xildhibaano ka tirsan kuwa Mooshinka wada, isla markaana uu dalbaday in mooshinka dib loo dhigo inta uu ka imaanayo, isagoona ku waajahan Magaalada Garoowe maalinta barri.

More in focus

To Top