Connect with us

somalilandtoday.com

Axmed Abiy Oo Isbedel Deg-deg Ah Ku Sameeyay Taliska Ciidanka Itoobiya

focus

Axmed Abiy Oo Isbedel Deg-deg Ah Ku Sameeyay Taliska Ciidanka Itoobiya

Axmed Abiy Oo Isbedel Deg-deg Ah Ku Sameeyay Taliska Ciidanka Itoobiya

(SLT-Addis ababa)-Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka ee Itoobiya Abiy Axmed ayaa xilka qaadis ku sameeyay Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaas, isagoo sidoo kale magacaabay Saraakiil Ciidan, xili uu socdo weli dagaalkii uu ku dhawaaqay.

Dr. Abiy Axmed oo Wareegto soo saaray ayuu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenkiisii Demokan Meko ugu magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, waxaana uu xilkaas laga qaaday Wasiirkii haayay.

Temesgen Tiruneh oo ahaa Madaxweynihii xilka iska Casilay ee deegaanka Amxaarada ayuu Ra’iisul Wasaaraha u magacaabay Taliyaha Sirdoonka Itoobiya, xili uu daqiiqado kahor uu is Casilay.

Sidoo kale Abiy ayaa Taliyaha Guud ee Ciidamada Itoobiya u magacaabay, Birhaanu Juli, halka  Gen. Ababaw Tadesse uu isna u magacaabay ku-xigeenka Taliyaha Ciidamada.

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka ee Itoobiya  ayaa sidoo kale Taliyaha Ciidamada Booliska u magacaabay, Demelash G. Michae.

Warbaahinta Itoobiya waxay sheegtey in isbeddelkan lagu badbaadinayo dalkaas oo haatan uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhexeeya Ciidanka Millateriga Itoobiya iyo kuwa Gobolka Tigreega.

More in focus

To Top