Connect with us

somalilandtoday.com

Ilhaan Cumar Oo Markii Labaad Loo Doortay Kongareeska Maraykanka

focus

Ilhaan Cumar Oo Markii Labaad Loo Doortay Kongareeska Maraykanka

Ilhaan Cumar Oo Markii Labaad Loo Doortay Kongareeska Maraykanka

(SLT-Washington)-Waxaa la dhammeystiray tirinta cododka kursiga Degmada 5aad ee gobalka Minnesota ee laga soo doorto Xildhibaan Ilhan Omar oo markale si fudud uga guulleysatay murashaxiintii la tartameysay.

Ilhan Omar ayaa heshay 64,6% cododka la tiriyey iyadoo si fudud uga guulleysatay murashaxii xisbi Xaakimka ee Jamhuuriga, Ilhan ayaa hore uga soo guulleysatay murashaxiin kula tartamey xisbiga dimuquraadiga dhexdiisa kuwaasi oo la sheegay inay maalgelinayeen Tujaarta taageerta Maamulka Israa’iil.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sidoo kale ololihiisa sii gaar ah ugu weeraray Ilhan Omar iyo waliba guud ahaan Soomaalida, isagoo ugu baaqay taageerayaashiisa inay ka shaqeeyaan inaan markale la dooran Ilhan Omar.

Inkastoo guusha Ilhan Omar lagu dhawaaqay waxaa weli socota tirinta cododka Doorashada Madaxweyna ee gobalada kala duwan ee dalka Maraykanka, waxaa sidoo kale loolankan adag uu ka socdaa kuraasta labada Aqal ee Kongareeska Maraykanka.

More in focus

To Top