Connect with us

somalilandtoday.com

Baadari Xalay Lagu Toogtay Dalka Faransiiska.

focus

Baadari Xalay Lagu Toogtay Dalka Faransiiska.

Baadari Xalay Lagu Toogtay Dalka Faransiiska.

(SLT-Paris)-Saraakiisha Booliiska ayaa sheegay in qof aan la garaney uu toogasho ku dhaawacay wadaad ka tirsan mad-habka Orthodox-ka xilli la sheegay in uu ka soo baxayay Kaniisad ku taalla magaalada Lyon ee dalka Faransiiska.

Wararkan oo xalay dhacay ayaa lagu warramayaa in qofkii geystay uu markiiba goobta ka baxsaday oo ayna u suurtagalin ciidamadu ay qabtaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska, ayaa qoraal uu Twitter-ka ku faafiyey ku sheegay in dhacdo halis ahi haatan dhacday, laakiin wax faahfaahin ah kama uu bixin waxa dhacay.

Qof ka tirsan booliska oo wakaaladda wararka ee AFP soo xigatay ayaa sheegay in ninka weerarka geystay sitay qori shoodh-gan ah.

Tan wixii ka danbeeyay Aflagaadadii Diinta Islaamka uu u geystay madaxweynaha dalka Faransiiska dalkaasi waxaa uu waajahayaa weerarro adag oo uga imanayay dad loo maleynayo in ay ka cadheysan yihiin hadalladii ka dhanka ahaa Nabbi Maxamed ee ka soo yeedhay madaxweyne Marcon.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay weerarradan dhacaya kuwo argagixiso, waxaana uu amray in ciidammo dheeraad ah la geeyay magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.

More in focus

To Top