Connect with us

somalilandtoday.com

Dooni Qaxooti Sidday Oo Ku Degtay Badda U Dhaxeysa Faransiiska Iyo Ingiriiska

focus

Dooni Qaxooti Sidday Oo Ku Degtay Badda U Dhaxeysa Faransiiska Iyo Ingiriiska

Dooni Qaxooti Sidday Oo Ku Degtay Badda U Dhaxeysa Faransiiska Iyo Ingiriiska

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay dooni yar oo siday qaxooti kuwaasi oo kasoo baxay dalka France kuna sii jeeday waddanka UK.

Doonidan ayaa la sheegay inay degtay shalay xilli ay dabaylo xoogleh ka dhacayeen badda waxaana lasoo badbaadiyey inta badan dadkii doonidaasi saarnaa kadib markii ay u gurmadeen ciidammada iyo kaluumeysatada Faransiiska.

Waxaa doonta saarnaa sida la xaqiijiyey 20 qof, dadka dhintay ayaa la sheegay inay ku jireen laba carruur ah oo u adkeysan waayey biyaha qabow ee badda, inta kale ee nololasha lagu soo badbaadiyey ayaa la dhigay isbitaalo ku yaal magaalooyinka Calais iyo Dunkirk ee waqooyiga Faransiiska.

Wadanka France ayey ku sugan yihiin dad badan oo qaxooti ah kuwaasi oo loo diiday wax sharci ah isla markaana siyaabo kala duwan isugu daya inay u tilaabaan dhinaca dalka UK.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in focus

To Top