Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirkii Dhalinyarada Ee Maamulka Xuutiyiinta Oo Lagu Diley Magaalada Sanca

focus

Wasiirkii Dhalinyarada Ee Maamulka Xuutiyiinta Oo Lagu Diley Magaalada Sanca

Wasiirkii Dhalinyarada Ee Maamulka Xuutiyiinta Oo Lagu Diley Magaalada Sanca

(SLT-Sanca)-Maamulka Xuutiyiinta ee ka dhisan magaalada Sanca dalka Yemen ayaa xaqiijiyay in toogasho lagu diley wasiirkii u qaabilsanaa maamulkaas arrimaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Hassan Zaid.

Hassan ayaa la sheegay in uu u dhintay dhaawacyo ka soo gaadhay rasaas ay dabley hubeysan ay ku fureen xilli uu ku sii jeeday xafiiskiisa.

Weerarkan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacantay gabadh uu dhalay wasiirka la diley oo gaadhi uu saarnaa kaxeyneysay.

Wasaarada u qaabilsan arrimaha gudaha Maamulka Xuutiyiinta ayaa ku eedeeyay dilka loo geystey siyaaasigan ka tirsanaa xisbiga Al-Haq inay ka dambeeysay boqortooyada sacudi carabiya.

“Dilka Wasiir Hassan Zaid waa fal dambiyeed oo qeyb ka ah qorshayaal lagu ugaadhsanayo dadka muhiimka ah.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha gudaha ee Maamulka Xuutiyiinta.

Dalka Yemen ayaa waxaa ka dhacayay dagaalo sokeeye tan iyo sannadkii 2014kii xilligaas oo Xuutiyiintu ay qabsadeen magaalada Sanca.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in focus

To Top