Connect with us

somalilandtoday.com

Faallo: Danaysi Gaar Ah Iyo Caaddifad Qabyaaladeed Yaanay Innaga Leexin La-Dagaalanka Khaayinul-Waddanniyiinta!

focus

Faallo: Danaysi Gaar Ah Iyo Caaddifad Qabyaaladeed Yaanay Innaga Leexin La-Dagaalanka Khaayinul-Waddanniyiinta!

Faallo: Danaysi Gaar Ah Iyo Caaddifad Qabyaaladeed Yaanay Innaga Leexin La-Dagaalanka Khaayinul-Waddanniyiinta!

Dadka khaayinul-waddanniyiinta ah ama ku dhaca dambiga ah khiyaamo qaran, si isku mid ah ayuu dal kasta oo calaamka ah ula dagaalamaa ama loola dhaqmaa, waxaannu dal walba shuruucdiisa ku qeexaa waxa uu ka yeelayo dadka muwaadiniintiisa ah ee ku kaca ama sameeya fal lagu khiyaamaynayo qarannimada dalkooda, dadweynaha dalalkuna si isku mid ah ayey aragti midaysan uga yeeshaan qofka khaayinul-waddanniga ah ama lagu caddeeyo dambi ah inuu qarankiisa u soo raacay dal kale oo ay cadaw yihiin ama dagaal dhinacyo kala duwan ah ka dhexeeyo.

Haddaba, dalka Jamhuuriyadda Somaliland waa waddan madaxbannaan oo si gaar ah uga baxay midawgii uu la galay Soomaaliya sannadkii 1960-kii, halka Soomaaliyana ay ilaa maanta ku doodayso ama sheeganayso in dalka Somaliland yahay gobol ka mid ah Soomaaliya, waxayna doodaasi ku muujisan tahay dastuurka iyo shuruucda kale ee Soomaaliya ku dhaqanto, siyaasiyiinta iyo madaxda xilalka ka haya Maamulka Muqdisho iyaguna mabda’ ahaan way ugu dhaqmaan ama waxay fuliyaan doodaha ah in Somaliland ka mid tahay Soomaaliya.

Marka ay sidaa tahay, waxa sida qoraxda u cad in siyaasiyiinta ama shaqsiyaadka sheegta inay asal ahaan ka soo jeedaan Somaliland ee xilalka u doonta ama ka tirsan golayaasha maamulka Soomaaliya ay yihiin qaar qaatay mabaadii’da ah in Somaliland tahay gobol ka tisan Soomaaliya, waxayna ku shaqeeyaan mawif ah in aanay Somaliland ahayn waddan madaxbannaan oo ka madaxbannaan Soomaaliya, iyagoo sidaa ku noqda siyaasiyiin khiyaameeyey dalka ay u dhasheen ee Somaliland, waxayna si toos ah ugu biiraan liiska dambiilayaasha qaran ee ay mamnuuca ka tahay inay yimaadaan ama cagaha soo dhigaan taako ka mid ah dhulka Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, waxa aan baraha bulshada, gaar ahaan Facebook-ga ku arkayey doodo ku taagan in khaayinul-waddaniga magaciisu yahay Maxamed Cumar Carte uu iman karo Somaliland, gaar ahaan Caasimadda Hargeysa, si uu u soo booqdo Aabbihii Cumar Carte Qaalib oo xaalad caafimaad u jiifa cusbitaal ku yaal Hargeysa. Ninkan magaciisu yahay Maxamed Cumar Carte waxa uu soo noqday Ra’iisal-wasaare-ku-xigeenka Soomaaliya intii u dhexaysay 27 January 2015 ilaa 29 March 2017, isagoo xilkaas ku wareejiyey Khaayinul-waddaniga kale ee magaciisu yahay Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo xilkaas haya ilaa maanta, sidaa darteen waxa dambi ah inuu si dhib yar ku yimaado dalka uu dambiga ka galay ee Somaliland, waxaanna waajib ah in dadka muwaadiniinta ah ay si isku mid ah u cabbiraan dareenkooda ay kaga soo horjeedaan in qof Khaayinul-waddani ah uu iska yimaado dalka Jamhuuriyadda Somaliland, arrin fiicanna maaha in dano gaar ah iyo xammaasad qabyaaladeed ay innaga leexiyaan dagaalka ka dhanka ah khaayinul-waddaniyiinta xilalka siyaasadeed ka haya ama ka soo qabtay Soomaaliya oo ah dal cadaw u ah madaxbannaanida iyo jiritaanka qarannimada Somaliland.

Waxa kaloo waajib ah in dadweynaha muwaadiniinta ah ay soo diyaariyaan codsi ama dalab (petition) ah in Golayaasha sbarci-dejintu ay curiyaan ama sameeyaan sharci lagula dagaalamo dadka khiyaameeya qaranka Somaliland, sharcigaas oo fasaxaya jn xukun adag oo maxkamadeed lagu rido qof kasta oo Somaliland ka soo jeeda oo xil siyaaadeed ka qabta Soomaaliya, iyagoo maqanne ahna dacwadooda loo gudbiyo bahda garsoorka Somaliland, kadibna lagu rido ciqaab ah inay maraan xabsi muddo dheer ah, sharcigaas oo sidoo kale fasaxaya in qofka khaayinul-waddaniga ciqaabtaas lagu fuliyo marka u horaysa ee uu soo galo gacanta Somaliland, xiitaa haddii la qabto isagoo xil u haya Soomaaliya oo soo galay gudaha Somaliland ama socod ku maraya madaarrada Somaliland (transit) waa in xabsi la dhigo, laguna fuliyo xukunka Maxkamaduhu ku rideen, sidoo kale qofka xilka ka qabta Soomaaliya waa in sharcigaas lagu qeexo inuu xabsi sannado ah galo xiitaa haddii uu xilkaas iska casilo ama cafis soo qorto si uu u yimaado Somaliland, halka sidoo kale sharcigaas lagu xuso in qofkaasi noqdo masuul aan weligii wax xil ah ka qaban karin Somaliland, xuquuq siyaasadeedna aannu ku yeelan karin Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Faallo: Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland.

More in focus

To Top