Connect with us

somalilandtoday.com

Somaliland Oo Shaacisay Inay Sii Daynayso Wiil Dhalinyaro Ah Oo Loo Xidhay Calanka Soomaaliya

focus

Somaliland Oo Shaacisay Inay Sii Daynayso Wiil Dhalinyaro Ah Oo Loo Xidhay Calanka Soomaaliya

Somaliland Oo Shaacisay Inay Sii Daynayso Wiil Dhalinyaro Ah Oo Loo Xidhay Calanka Soomaaliya

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin, ayaa sheegay inuu ka howlgalayo sidii Somaliland u sii dayn lahayd wiil dhalinyaro oo lagu magacaabo Bilaal Bulshaawi, oo muddo ku dhow laba bilood ku xidhan Hargeysa.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa hadalkaan ka sheegay kulan lagusoo dhoweynayay Duuliye Axmed M Xasan “Axmed Dheere” oo xilligii dowladdii Siyaad Barre iska diiday in diyaarad uu duuliye ka ahaa duqeeyo Hargeysa.

Bilaal Bulshaawi oo caan ka ah barta Tiktok, ayaa loo xidhay kadib markii isagoo Hargeysa ku sugan uu bulshada la wadaagay calanka Soomaaliya oo lagu dhex sawiray koob Shaah ah.

Hay’addaha dambi baadhista Somaliland, ayaa codsaday in xabsiga lagusii hayo Bilaal, kadib markii maxkamada lasoo taagay dhawaan.

Qoyskiisa ayaa maalmo ka hor ka codsaday madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in wiilkooda xoriyadiisa loosoo celiyo.

More in focus

To Top