Connect with us

somalilandtoday.com

Doodda Uu Xoghayaha WADDANI Soo Bandhigay Ma Fikir Isaga U Gaar Ah Baa Mise Waa Mawqif Xisbigu La Qabo??

focus

Doodda Uu Xoghayaha WADDANI Soo Bandhigay Ma Fikir Isaga U Gaar Ah Baa Mise Waa Mawqif Xisbigu La Qabo??

Doodda Uu Xoghayaha WADDANI Soo Bandhigay Ma Fikir Isaga U Gaar Ah Baa Mise Waa Mawqif Xisbigu La Qabo??

Xoghayaha Guud ee xisbiga mucaaridka ee WADDANI Mr. Khadar Xuseen Cabdi, waxa uu soo bandhigay dood ah in muwaadinka reer Somaliland uu yahay qof xor ah oo xaq u leh inuu gudaha magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ku soo bandhigi karo ama ku qaadan karo astaamaha qaranka Soomaaliya ee uu ugu horeeyo calanka buluugga ah ee ay dhexda kaga taalo xidigta shan-geesoodka ah. Waxa kaloo uu Xoghaye Khadar sheegay inuu aaminsan yahay in qofka haysta ama qaata ee gurigiisa ku sharxa calanka Soomaaliya aannu waxba yeeli karin qarannimada Somaliland, sidaa darteedna ay xad-gudub tahay in dowladda talada dalka haysaa ay ku mashquusho, xabsigana la dhigo qofka lagu arko ama soo bandhiga calanka buluugga ah, balse waxa uu ku dooday in qaranimada Somaliland lagu ilaalin karo laguna adkayn karo fulinta iyo dhaqanka dastuurka iyo shuruucda kale ee u yaal dalka Somaliland.


Xoghaye Khadar muu iftiimin in dooddiisu ay tahay mid uu isagu si shaqsiyan ah aaminsan yahay iyo inay tahay mawqif iyo siyaasad guud oo uu leeyahay xisbiga uu ka tirsan yahay ee WADDANI.


Haddaba, waxa muhiim ah in Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI uu ogaado in dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay waddan xor ah, muwaadiniintiisuna ay haystaan xoriyad iyo dimuqraadiyad buuxda, balse ay jiraan waxyaabo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalku ay ka reebeen ama ka xaddideen dadka muwaadiniinta ah, waxaana arrimaha ka reebban ka mid ah waxkasta oo lid ku ah amniga guud ee dalka iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo aanay qofka muwaadinka ah u bannaanayn inuu si ficil ah, qowl, qoraal iyo habkasta oo kaleba u muujiyo, una soo bandhigto waxyaabaha loo arko inay xad-gudub ku yihiin madaxbannaanida iyo qarannimada Somaliland, sidaa darteed ma bannaana, mana habboonna in si furan oo xor ah loogu dhex qaato, soo bandhigo ama loogu isticmaalo calanka iyo astaamaha dalka Soomaaliya, iyadoo diidmadaasna loo cuskaday saddex qodob oo kala ah;

  1. Calanka buluugga ah waxa leh dal la yidhaahdo Soomaaliya oo ay Somaliland ka mid ahayd muddo 30 sanno ah (1960 ilaa 1990), kadibna burbur, xasuuq iyo dhibaatooyin baahsan oo ay dowladdii Soomaaliya kula kacday dadka reer Somaliland ay sababeen in bulshada reer Somaliland dib uga noqoto midawgii ay la galeen Soomaaliya, waxayna Somaliland ka madaxbannaan tahay Soomaaliya muddo 29 sanno ah, waxayna dadka reer Somaliland goosteen inay soo dejiyaan calankii buluugga ah, iyadoo lagu beddelay calanka tawxiidku ku xardhan yahay ee ay maanta haysato Somaliland.

  1. Ilaa maanta Soomaaliya waxay ku doodaysaa in Somaliland aanay ahayn waddan madaxbannaan, balse ay tahay gobol la tirsan Soomaaliya oo looga hoos arrimiyo calanka buluugga ah, markaa dowladda Xamar ka talisaa waxay rumaysan tahay in ay waajib tahay in calanka buluugga ah iyo astaamaha kale ee qaranka Soomaaliya ay si caadi ah uga shaqeeyaan degaannada kala duwan ee Somaliland, markaa qofka calanka buluugga ah ku dhex qaata magaalooyinka Somaliland waa qof ku xad-gudbay qarannimada iyo rabitaanka dadka reer Somaliland, sidoo kale waa qof u badheedhaya inuu riyada maamulka Muqdisho ka hirgeliyo gudaha Somaliland.
  2. Sababta kale ee ay mamnuuca u tahay in calanka iyo astaamaha Soomaaliya lagu qaato gudaha Somaliland waxay la xidhiidhaa ilaalinta nabadgelyada guud ee dalka iyo in aan dhaawac loo gaysan mooraalka iyo dammiirka dadka muwaadiniinta ah ee uu dastuurku siiyey inay leeyihiin ilaalinta karaamada iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, waxa la ilaalinayaa in dadka muwaadiniinta ah ay waxyeelo u gaystaan qofka gudaha Somaliland ku soo bandhiga ama ku isticmaalaya calanka Soomaaliya.

  3. Waxa kaloo dood jaban ah waxyaabaha uu Xoghaye Khadar u daliishaday in calanka buluugga ah lagu dhex qaato gudaha Somaliland, isagoo calanka ku tilmaamay maro buluug ah oo la mid ah dharka midabkoodu buluugga yahay, cirka buluugga ah iyo waxyaabaha kale ee midabkoodu buluugga yahay, balse waxa uu isdiidsiiyey in waxa mamnuuca ahi aannu ahayn midabka buluugga ah, laakiin shayga mamnuuca ahi uu yahay calanka Soomaaliya midabka uu doono ha yeeshee, taasoo macnaheedu yahay in haddii calanka Soomaaliya uu noqon lahaa mid casaan ah, caddaan ah ama madaw inuu sidan oo kale mamnuuc u ahaan lahaa, markaa xaqiiqdu waa in shuruucda Somaliland aanay ogolayn in calanka Soomaaliya lagu qaato gudaha Somaliland, waxaanna Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI u bannaan inuu si badheedh ah ugu dhawaaqo, uguna ololeeyo inay xisbi ahaan wax ka beddeli doonaan siyaasadaha iyo shuruucda Somaliland ee mamnuucaya in calanka iyo astaamaha qaran ee Soomaaliya laga ogolaan doono Somaliland haddii ay xisbi ahaan talada dalka ku guulaystaan, haddii kale oo mawqifka noocaas ah uu gaar ku yahay Xoghayaha oo qudha waa inuu taasna ummadda u caddeeyo, iyadoo ay muhiim tahay in xisbiga WADDANI uu arrintaas ka bixiyo iftiimin iyo kala qeexid dheeraad ah (more clarification) oo ah inay arrintani tahay mawqif xisbigu ku shaqaynayo iyo inay tahay arrin u gaar ah Xoghayahooda Guud, xisbi ahaana aanay fikirkan la qabin.

Halkan hoose ka DAAWO hadalka Xoghaye Khadar

Doodda uu Xoghayaha WADDANI soo Bandhigay ma fikir isaga u gaar ah baa mise waa Mawqif Xisbigu la qabo?************************************Xoghayaha Guud ee xisbiga mucaaridka ee WADDANI Mr. Khadar Xuseen Cabdi, waxa uu soo bandhigay dood ah in muwaadinka reer Somaliland uu yahay qof xor ah oo xaq u leh inuu gudaha magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ku soo bandhigi karo ama ku qaadan karo astaamaha qaranka Soomaaliya ee uu ugu horeeyo calanka buluugga ah ee ay dhexda kaga taalo xidigta shan-geesoodka ah. Waxa kaloo uu Xoghaye Khadar sheegay inuu aaminsan yahay in qofka haysta ama qaata ee gurigiisa ku sharxa calanka Soomaaliya aannu waxba yeeli karin qarannimada Somaliland, sidaa darteedna ay xad-gudub tahay in dowladda talada dalka haysaa ay ku mashquusho, xabsigana la dhigo qofka lagu arko ama soo bandhiga calanka buluugga ah, balse waxa uu ku dooday in qaranimada Somaliland lagu ilaalin karo laguna adkayn karo fulinta iyo dhaqanka dastuurka iyo shuruucda kale ee u yaal dalka Somaliland.Xoghaye Khadar muu iftiimin in dooddiisu ay tahay mid uu isagu si shaqsiyan ah aaminsan yahay iyo inay tahay mawqif iyo siyaasad guud oo uu leeyahay xisbiga uu ka tirsan yahay ee WADDANI.Haddaba, waxa muhiim ah in Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI uu ogaado in dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay waddan xor ah, muwaadiniintiisuna ay haystaan xoriyad iyo dimuqraadiyad buuxda, balse ay jiraan waxyaabo dastuurka iyo shuruucda kale ee dalku ay ka reebeen ama ka xaddideen dadka muwaadiniinta ah, waxaana arrimaha ka reebban ka mid ah waxkasta oo lid ku ah amniga guud ee dalka iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo aanay qofka muwaadinka ah u bannaanayn inuu si ficil ah, qowl, qoraal iyo habkasta oo kaleba u muujiyo, una soo bandhigto waxyaabaha loo arko inay xad-gudub ku yihiin madaxbannaanida iyo qarannimada Somaliland, sidaa darteed ma bannaana, mana habboonna in si furan oo xor ah loogu dhex qaato, soo bandhigo ama loogu isticmaalo calanka iyo astaamaha dalka Soomaaliya, iyadoo diidmadaasna loo cuskaday saddex qodob oo kala ah;1. Calanka buluugga ah waxa leh dal la yidhaahdo Soomaaliya oo ay Somaliland ka mid ahayd muddo 30 sanno ah (1960 ilaa 1990), kadibna burbur, xasuuq iyo dhibaatooyin baahsan oo ay dowladdii Soomaaliya kula kacday dadka reer Somaliland ay sababeen in bulshada reer Somaliland dib uga noqoto midawgii ay la galeen Soomaaliya, waxayna Somaliland ka madaxbannaan tahay Soomaaliya muddo 29 sanno ah, waxayna dadka reer Somaliland goosteen inay soo dejiyaan calankii buluugga ah, iyadoo lagu beddelay calanka tawxiidku ku xardhan yahay ee ay maanta haysato Somaliland.2. Ilaa maanta Soomaaliya waxay ku doodaysaa in Somaliland aanay ahayn waddan madaxbannaan, balse ay tahay gobol la tirsan Soomaaliya oo looga hoos arrimiyo calanka buluugga ah, markaa dowladda Xamar ka talisaa waxay rumaysan tahay in ay waajib tahay in calanka buluugga ah iyo astaamaha kale ee qaranka Soomaaliya ay si caadi ah uga shaqeeyaan degaannada kala duwan ee Somaliland, markaa qofka calanka buluugga ah ku dhex qaata magaalooyinka Somaliland waa qof ku xad-gudbay qarannimada iyo rabitaanka dadka reer Somaliland, sidoo kale waa qof u badheedhaya inuu riyada maamulka Muqdisho ka hirgeliyo gudaha Somaliland.3. Sababta kale ee ay mamnuuca u tahay in calanka iyo astaamaha Soomaaliya lagu qaato gudaha Somaliland waxay la xidhiidhaa ilaalinta nabadgelyada guud ee dalka iyo in aan dhaawac loo gaysan mooraalka iyo dammiirka dadka muwaadiniinta ah ee uu dastuurku siiyey inay leeyihiin ilaalinta karaamada iyo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland. Sidoo kale, waxa la ilaalinayaa in dadka muwaadiniinta ah ay waxyeelo u gaystaan qofka gudaha Somaliland ku soo bandhiga ama ku isticmaalaya calanka Soomaaliya.Waxa kaloo dood jaban ah waxyaabaha uu Xoghaye Khadar u daliishaday in calanka buluugga ah lagu dhex qaato gudaha Somaliland, isagoo calanka ku tilmaamay maro buluug ah oo la mid ah dharka midabkoodu buluugga yahay, cirka buluugga ah iyo waxyaabaha kale ee midabkoodu buluugga yahay, balse waxa uu isdiidsiiyey in waxa mamnuuca ahi aannu ahayn midabka buluugga ah, laakiin shayga mamnuuca ahi uu yahay calanka Soomaaliya midabka uu doono ha yeeshee, taasoo macnaheedu yahay in haddii calanka Soomaaliya uu noqon lahaa mid casaan ah, caddaan ah ama madaw inuu sidan oo kale mamnuuc u ahaan lahaa, markaa xaqiiqdu waa in shuruucda Somaliland aanay ogolayn in calanka Soomaaliya lagu qaato gudaha Somaliland, waxaanna Xoghayaha Guud ee xisbiga WADDANI u bannaan inuu si badheedh ah ugu dhawaaqo, uguna ololeeyo inay xisbi ahaan wax ka beddeli doonaan siyaasadaha iyo shuruucda Somaliland ee mamnuucaya in calanka iyo astaamaha qaran ee Soomaaliya laga ogolaan doono Somaliland haddii ay xisbi ahaan talada dalka ku guulaystaan, haddii kale oo mawqifka noocaas ah uu gaar ku yahay Xoghayaha oo qudha waa inuu taasna ummadda u caddeeyo, iyadoo ay muhiim tahay in xisbiga WADDANI uu arrintaas ka bixiyo iftiimin iyo kala qeexid dheeraad ah (more clarification) oo ah inay arrintani tahay mawqif xisbigu ku shaqaynayo iyo inay tahay arrin u gaar ah Xoghayahooda Guud, xisbi ahaana aanay fikirkan la qabin.

Posted by Maxamed Cirro on Tuesday, October 20, 2020

W/Q Maxamed Cirro

More in focus

To Top