Connect with us

somalilandtoday.com

Ilhaan Cumar Oo Shaacisay Arrin Uu Damacsan Yahay Madaxweyne TRUMP Oo Halis Ku Ah Nolosheeda

focus

Ilhaan Cumar Oo Shaacisay Arrin Uu Damacsan Yahay Madaxweyne TRUMP Oo Halis Ku Ah Nolosheeda

Ilhaan Cumar Oo Shaacisay Arrin Uu Damacsan Yahay Madaxweyne TRUMP Oo Halis Ku Ah Nolosheeda

Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka dalka Mareykanka ayaa jawaab kulul ka bixisay eedeyntii uu dambeysay oo uu u jeediyey madaxweyne Donald Trump oo ay isku hayaan arrimaha siyaasadda ee waddankaasi.

Qoraal ay Ilhaan soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayey ku sheegtay in weerarada ay kala kulanto iyada & siyaasiyiinta kale ay yihiin kuwa shirqool ah, sida ay hadalka u dhigtay.

Ilhaan oo sidoo kale tixraaceysay eedeyntii uu Trumo uga jeediyey ololihii la qabtay Jimcihii la soo dhaafay ayaa sidoo kale sheegtay inuu weerar ku hayo nolosheeda gaarka ah.

“Weerarada is-daba jooga ah ee aan kala kulano Trump waa kuwo shirqool ah ee aniga iyo siyaasiyiinta kale ee haweenka ah ee caanka ah maaha kaliya ragga,” ayey tidhi.

Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in hanjabaadyada uu u dirayo madaxweynaha ay is-daba joog noqdeen muddooyinkii u dambeeyey, taan oo ka dhan ah nolosheeda.

“Tan waxay u horseedayaan hanjabaado is-daba joog ah oo ka dhan ah nolosheena,” ayey sii raacisay Ilhaan Cumar.

Si kastaba waxaa muddooyinkii la soo dhaafay sii kordhayey eedeymaha kulul ee ay dhanka warbaahinta isku marinayeen madaxweyne Trump iyo Ilhaan Cumar oo dagaalkooda siyaasadeed soo billowday. kadib markii Trump loo doortay madaxweynaha Mareykanka

More in focus

To Top