Connect with us

somalilandtoday.com

PUNTLAND Oo Toogasho Ku Fulisay Nin Si Arxan-darro Ah U Dilay Hooyadii

focus

PUNTLAND Oo Toogasho Ku Fulisay Nin Si Arxan-darro Ah U Dilay Hooyadii

PUNTLAND Oo Toogasho Ku Fulisay Nin Si Arxan-darro Ah U Dilay Hooyadii

(SLT-Garoowe)-Maxkamadda Ciidamada Maamul Gobolleedka Puntland ayaa maanta oo sabti ah xukun dil toogasho ah ku fulisay Nin hore Hooyadii dil ugu geystay deegaan ka tirsan Gobolka Nugaal.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay Faarax Cabdi Caagane oo saddex bilood ka hor hooyadii ku dilay deegaanka Jalam ee Gobolka Nugaal, isagoona intaas kadib xabsiga la dhigay.

Maanta ayay aheyd Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Puntland xukun dil toogasho ku fulisay Faarax Cabdi Caagane oo si badheedh ah u dilay Hooyadii dhashay oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Xaawo Jaamac Cabdulle.

Goobta uu ka dhacayay xukunka dilka toogashada ahaa ayaa waxaa ku sugnaa Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee maamul Goboleedka Puntland iyo Mas’uuliyiin kale.

Si kastaba Maamulka Puntland ayaa hore xukuno dil toogasho ah ugu fuliyay dad dilal u geystay dad shacab iyo xubno kale oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Al-shabaab iyo Daacish.

More in focus

To Top