Connect with us

somalilandtoday.com

Buug Uu Qoray Shakespeare Oo Lagu Iibiyey 10 Malyan Oo Doollar

focus

Buug Uu Qoray Shakespeare Oo Lagu Iibiyey 10 Malyan Oo Doollar

Buug Uu Qoray Shakespeare Oo Lagu Iibiyey 10 Malyan Oo Doollar

Nuqul ka mid ah buuggii ugu horreeyey uu qoray qoraagi weynaa ee reer Britain Shakespeare oo lagu soo bandhigay magaalada New York ayaa lagu iibiyey 9.98 malyan oo doolar.

Buuggan ayaa la daabacay 1623-kii toddoba sano kaddib dhimashada Bard, waxaana lagu soo uruuriyey ruwaayadahiisa.

235 nuqul oo ka mid ah buuggaasi ayaa la sheegay in mela kala duwan laga helo balse nuqulka dhammeystiran uu gacanta ugu jiraa cid gaar ah.

Buuggan oo Arbacadi la iibiyey ayaa noqonaya nuqul dhammeystiran oo qiima intaa le’eg lagu iibiyo tani iyo 2001-dii, iyada buuggi kan ka horreeyey lagu iibiyey 6.1 malyan oo doollar.

Waxaana buugga iibisay kulliyadda Mills ee ku taallo Oakland, California oo ah kulliyad gaar loo leeyahay oo buuggaasi tani iyo 1960-kii gacanta ku haysay. Balse cidda buugaasi iibsatay markiba lama ogaan.

Suuqa xaraajka ee Christie qiimaha buuggaasi lagu iibin karo marki hore wuxuu ku qayaasay 4 malyan ilaa iyo 6 malyan oo doolar.

Buuggan ugu horreeyey uu qoray Shakespeare ee 10-ka malyan oo doolar lagu iibiyey waxaa lagu soo uruuriyey 36 ka mid ah ruwaayadahiisi ugu caansanaa.

More in focus

To Top