Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Afrikaan Ah Oo Wax Ka Beddelay Magaciisa

focus

Madaxweyne Afrikaan Ah Oo Wax Ka Beddelay Magaciisa

Madaxweyne Afrikaan Ah Oo Wax Ka Beddelay Magaciisa

(SLT-Kampala)-Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa si rasmi ah u wax uga baddalay magacyadiisa si uu ugu daro magac loo bixiyay markii uu yaraa.

Magacaas oo la yirhaado ‘Tibuhaburwa’ waxaana luqadda Runyankore loola jeeda “Qofka aan qaadan talada ama la sixi karin”

Arrintan ayaa hadal badan ka dhex dhalisay baraha bulshada Uganda, halka dadka qaar ay la yaaban yihiin waxa ay aheyd shaqada la taliyeyaasha madaxweynaha markii uu gaadhayay go’aankaas.

Waxaa haatan Madaxweynaha loogu yeedhi doonaa Yoweri Tibuhaburwa Kaguta Museveni.

Madaxweynaha weligii ma shaacin magacan tan iyo intii uu xilka qabtay 34 sanno ka hor.

Sida uu muujinayo dokumenti dhanka sharciga ah oo lasoo saaray 6-dii bishan Oktoobar, in magacan uu weligiisba ku qornaa shahaadooyinka waxbarasho ee madaxweynaha.

More in focus

To Top