Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Trump Oo Loo Qaaday Cisbitaalka Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladdiisa Caafimaad

focus

Madaxweyne Trump Oo Loo Qaaday Cisbitaalka Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladdiisa Caafimaad

Madaxweyne Trump Oo Loo Qaaday Cisbitaalka Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Xaaladdiisa Caafimaad

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa loo qaaday cisbitaalka si loo daweeyo, ka dib markii laga helay xanuunka COVID-19, xilli maamulkiisa iyo ololihiisa doorashadu ay ka shaqeynayaan sidii ay wax uga beddeli lahaayeen xaaladdan cusub ee soo korodhay. Qiyaastii 17 saacadood ayaa laga joogaa markii shaaca laga qaaday in madaxweynuhu uu coronavirus qaaday.

Markii cisbitaalka loo qaadayey, madaxweynaha ayaa isaga oo si aayar u socda ka soo baxay Aqalka, xilli ay sugeysay dayaarad helicopter ah oo u qaadday cisbitaalka millatariga ee Walter Reed oo ku yaalla magaalada Bethesda ee gobolka Maryland ee dulleedka magaalada Washigton, DC.

Madaxweyne Trump ayaa dhowrka maalmood ee soo socda joogi doono qeyb gaar ah oo cisbitaalka ku taalla, taxadar dartii, sida ay sheegtay xoghayaha saxaafadda ee Aqalka Cad, Kayleigh McEnany.

More in focus

To Top