Connect with us

somalilandtoday.com

Abiy Axmed Oo Ka Fikiraya Tallaabo Uu Ciidammo Ugu Dirayo Gobolka Tigreega

focus

Abiy Axmed Oo Ka Fikiraya Tallaabo Uu Ciidammo Ugu Dirayo Gobolka Tigreega

Abiy Axmed Oo Ka Fikiraya Tallaabo Uu Ciidammo Ugu Dirayo Gobolka Tigreega

(SLT-Addis Ababa)-Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa sheegaya in dowladda ay u furan tahay dhowr waddo oo lagula dhaqmayo dowlad gobolleedka Tigreyda haddii tan iyo Isniinta ay u hogaasami waayaan amarrada dowladda.

Afhayeenka Aqalka Federation-ka Aadan Faarax ayaa la sheegay inuu yidhi: “Waxaa suurogal ah in lakala diro Baarlamaanka Gobolka Tigrayda amaba ciidammo loo diro gobolka.

Itoobiya ayaa qalalaase waajahaysay tan iyo bishii la soo dhaafay ka dib markii gobolka Tigreeda ay doorasho u gaar ah qabsadeen.

Xisbiga TPLF -oo gacanta ku hayay siyaasadda dalka Itoobiya muddo toboneeyo sanno ah ayaa waxay ku hanjabeen in dhibaatada ay sii baahi doonto haddii dowladda dhexe ay isku daydo inay hor istaagto doorashada.

Raii’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa doorashadan ku tilmaamay mid sharci darro ah. Wuxuu sheegay in xisbiga TPLF ay haystaan wakhti ay xafiiska ku sii joogaan kaasi oo ah go’aan ay gaadheen aqalka sare ee baarlamaanka bishii June.

Doorashada guud ee dalka Itoobiya ayaa dib loo dhigay sababo la xidhiidha feyriska Corona.

More in focus

To Top