Connect with us

somalilandtoday.com

Ganacsatada Iyo Siyaasiyiinta Dawladda Ugu Jira Beesha Bariga Burco Oo Ku Dhex Hirdamaya Shacabka + Saluugga Beeshu Ka Qabto Xukuuumadda Oo Sii Hurinaya Kulamada Ka Dhan Ka Ah Shir Weynaha KULMIYE

focus

Ganacsatada Iyo Siyaasiyiinta Dawladda Ugu Jira Beesha Bariga Burco Oo Ku Dhex Hirdamaya Shacabka + Saluugga Beeshu Ka Qabto Xukuuumadda Oo Sii Hurinaya Kulamada Ka Dhan Ka Ah Shir Weynaha KULMIYE

Ganacsatada Iyo Siyaasiyiinta Dawladda Ugu Jira Beesha Bariga Burco Oo Ku Dhex Hirdamaya Shacabka + Saluugga Beeshu Ka Qabto Xukuuumadda Oo Sii Hurinaya Kulamada Ka Dhan Ka Ah Shir Weynaha KULMIYE

(SLT-Hargeysa)-Qaar ka mid ah Ganacsatada, madax-dhaqameedka iyo wax-garadka beelaha Bariga Burco oo muddooyinkii ugu dambeeyey kulamo gaar gaar ah dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba uga socdeen iyaga oo olole weyn ka dhex waday Beesha ay ka soo jeedaan ayaa u muuqda mid ay ugu heleen taageero ka dhan ah Masuuliyiinta kala duwan ee Beesha ugu jirta xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE oo ay muddooyinkii ugu dambeeyey saluug weyn ka qabeen hannaanka xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddu u wajahayaan siyaasadda iyo danaha gaar ahaan beesha Bariga Burco oo ka mid ah beelaha sida weyn u taageeri jiray xisbul Xaakimka KULMIYE.

Hadal haynta shirarkan oo maalmihii ugu dambeeyey laga dareemayay Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ayaa ilo-wareedyo u dhuun daloolaa waxa ay wargeyska FOORE u xaqiijiyeen in kulamo kala jiidasho iyo taageero ka raadin ahi ay maalmihii ugu dambeeyey Beesha ku dhex marayeen Ganacsatada, madax-dhaqameedka iyo wax-garadka kale ee Beesha iyo dhinaca kale oo ah Wasiirrada, Saraakiisha kale ee dawladda iyo xisbiga ee Beesha ka soo jeeda kuwaasi oo qolo waliba taageero kaga doonaysay beesha kadib markii ay muddooyinkii ugu dambeeyey soo baxayeen saluug weyn oo beeshani ka qabtay qaabka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u maareeyey qaddiyadda xisbiga KULMIYE iyo Arrimo kale oo la xidhiidha dhinacyada Ganacsiga oo ay aad u saluugsanaayeen.

Ilahan xog-ogaalka ahi waxa ay wargeyska Foore u xaqiijiyeen in kulamadii ugu dambeeyey oo dhinac waliba doonayay in uu kan kale kaga soo jiito taageerada dadweynaha iyo wax-garadka kaleba ay ku dambeeyeen in wasiirrada xukuumadda iyo xisbiga ugu jira Beesha lagaga adkaaday dagaalkaasi hoose, sidaana ay ku baaqdeen xaflado waaweyn oo la doonayay in taageero xukuumaddu beesha kaga raadiso oo lagu qabto Magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.

Xodxodashada wasiirrada xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ee beeshan ka soo jeedaa doonayeen in ay kulamo ugu qabtaan dhallinyaro iyo dad kale oo la soo abaabulay ayaa baaqday kadib markii ay la kulmeen diidmo iyo mucaaradad culus oo loo aanaynayo in ay keentay saamaynta weyn ee ay ku yeesheen beesha Ganacstaada iyo siyaasiyiin kale oo beesha ka soo jeedaa kuwaasi oo muddoba ku hawlanaa sidii ay isugu muujin lahaayeen beeshe dhexdeeda taageerada ay ku haystaan iyo ku fidinta diidmadooda mucaaridnimo ee ku aaddan xaaladaha ay sida weyn u diidan yihiin ee ka taagan xisbiga iyo hannaanka xukuumaddu u maaraysay qaddiyado dhawr ah oo ganacsi sida shirkadihii diyaaradaha ee dalka laga mamnuucay iyo shidaalka iyo dano ganacsi oo gaar ah oo qaar ka mid ah ganacsatada beeshu ku qabtay xukuumaddii tan ka horraysay.

Isku soo wada duuboo maalmaha soo socda ayaa la ogaan doonaa halka ay ku dambayso xaaladdan kacsanaanta ah ee ka dhex taagan Beesha Bariga Burco, waxaana la eegi doonaa natiijada ka soo baxda shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE iyo halka uu ku dambeeyo mansabka Guddoomiyaha xisbiga ee ay muddoba beeshu dhawraysay in lagu soo wareejiyo taasi oo u muuqata mid gabi ahaanba meesha ka baxday lana filayo in Madaxweynaha loo cumaamado guddoomiyaha xisbiga ee sannadaha soo socda.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in focus

To Top