Connect with us

somalilandtoday.com

ITOOBIYA Oo Xabsi Dhigtay Xubno Ka Tirsan Xisbiga Abiy Ahmed

focus

ITOOBIYA Oo Xabsi Dhigtay Xubno Ka Tirsan Xisbiga Abiy Ahmed

ITOOBIYA Oo Xabsi Dhigtay Xubno Ka Tirsan Xisbiga Abiy Ahmed

(SLT-Addis Ababa)-Dowladda Itoobiya ayaa xabsiga u taxaabtay xubno badan oo ka tirsan xisbiga PP ee haya tallada dalkaas ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed, kadib markii lagu eedeeyay inay xidhiidh la leeyihiin dagaal beeleed dhawaan dhacay.

Hay’adaha amniga dalka Itoobiya ayaa xabsiga dhigay 45 xubnood oo loo haysto inay gacan weyn ka geysteen dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Benishangul Gumuz.

Hoggaanka Xisbiga PP ayaa xaqiijiyey in 10 kamid ah xubnahaasi la xidhay la horgeeyay maxkamad.

Sidoo kale, waxa xiisadda dagaalkaasi xilkii lagaga qaaday Taliyihii ciidammada gaarka ahaa, Wogari Polino iyo Taliyaha booliska deegaankaasi, Nega Jara.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaaladaasi oo socday maalmo ay ku naf waayeen ugu yaraan 100 qof, halka ay ku barakaceen kumanaan kale.

Dagaal beeleedyadaasi ayaa u dhaxeeya qowmiyadaha Amxaarada iyo Agaw oo intooda badan shaqa u tagay deegaankaasi Benishaangul-Gumuz, oo ah midka ay hadda xiisada u xoogani ka taagan tahay.

More in focus

To Top