Connect with us

somalilandtoday.com

Amiirka Cusub Ee Dalka Kuwait Oo La Dhaariyey

focus

Amiirka Cusub Ee Dalka Kuwait Oo La Dhaariyey

Amiirka Cusub Ee Dalka Kuwait Oo La Dhaariyey

(SLT-Kuwait)-Fadhi ay maanta yeesheen golaha Baarlamaanka dalka Kuwait ayaa lagu dhaariyey Sheekh Nawaaf Al-axmed Al-jaabir oo ahaa sii hayaha Amiirka Kuwait, intii uu xanuunsanayay Sheekh Sabaax Al-axmed Al-jaabir Amiirkii dalkaas oo shalay Maraykanka ku geeriyooday.

Sheekh Nawaaf oo ay walaalo ahaayeen Amiirka geeriyooday ayaa jeediyey hal kooban oo uu kaga hadlayo xaaladda dalkiisa iyo mas’uuliyadda cusub ee loo dhaariyey, waxaana uu sheegay inuu shacabka dalkiisa uga tacsiyeynayo geerida Amiirka.

Sidoo kale Sheekh Nawaaf ayaa waxaa uu tilmaamay inuu sii wadayo hawlaha dawladda, sida ay farayso mas’uuliyadda uu qaaday.

Amiir Sheekh Nawaaf Al-axmed Al-jaabir ayaa Hawsha ugu horraysa ee shaqadiisa cusub waxay noqonaysaa aaska Amiirka oo ku geeriyooday dalka Maraykanka, diyaaradna lagu keenayo Maydkiisa.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

More in focus

To Top